Xildhibaanno Sheegay Iney Xilka Ka Qaadeen Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug oo habeenkii xalay ahaa kulan ku yeeshay degmada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug ayaa sheegay iney xilkii ka qaadeen madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo shir guddoominayey kulankaan ayaa waxaa xaadirey 52 mudane, waxaana ugu horreyn ay u codeeyeen guddoomiye Cali Gacal Casir, waxaana isku raacay in xilka laga qaado dhammaan xubnihii xaadiray.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi ayaa isna in xilka laga qaado waxaa u codeeyay 49 mudane, Labo ayaa ka aamustay halka midna uu diiday.

Guddoomiye Xareed ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya aysan mas’uuliyiintan haynin xilkaan, ayna boosaskooda soo buuxin doonaan.

Xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Galmudug ayaa cirka isku shareertay, kadib markii horey xildhibaanno ka tirsan Galmudug ay sheegeen in xilka ka qaadeen madaxweyne Xaaf.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW