U bood dhigaalka

Xildhibaanno Wada Mooshin Ka Dhan Ah Wasiirada Puntland

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan maamulka Puntland ayaa magaalada Garoowe ka wada diyaarinta mooshin ka dhan ah wasiirada maamulkaasi, iyadoo arrintaasi aad looga dareemayo magaaladaasi.

Warar ay heshay Goobjoog News, waxay sheegayaan in xilidhibaanno ka badan 30 ay sheegeen ineysan ku qanacsaneyn hannaanka ay u shaqeyso xukuumadda Gaas, islamarkaana ay doonayaan in wasiirada ay mooshin ka gudbiyaan.

Qaar kamid ah xildhibaannadan oo xalay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa sheegay iney ka go’an tahay in  meesha laga saaro dhammaan wasiirada hadda jooga.

Dhanka kale, warar kale oo ay heshay Goobjoog News, waxay sheegayaan in sidoo kale ay jiraan xildhibaanno iyagana kasoo horjeeda madaxweyne Gaas, waxaana ay doonayaan in dhankooda mooshin ay ka keenaan madaxweynaha.

Shacabka Garoowe ayaa aad u hadal haya arrinta ku aadan mooshinnadan, iyo sidoo  kale xildhibaannada kala aragtida ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News