U bood dhigaalka

Xiriirka Wasaaradda kalluumeysiga DSF Iyo Kuwa Maamul Goboleedyada Oo Go’ay

Sheeko:Dalka

Wasaaradaha Kalluumeysiga ee Maamul goboleedyada dalka ayaa xiriirka u jaray wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Maamulka Puntland Cabdiraxman Sheekh Salaad oo akhrinayay warsaxaafadeedka ay soo saareen wasaaradaha Kalluumeysiga ee maamul goboleedyada ayaa daliil u soo jeediay wasaaradda kalluumeysiga ee DFS waxaa uuna yiri.

“Markaan aragnay baahida loo qabo Maareynta iyo ilaalinta ka faa’deysiga Kheyraadka badda, markaan aragnay Baahida loo qabo siyaasad mideysan ee heer Fedaraal iyo mid maamul goboleed, Markaan garwaaqsannay Maqnaashiyaha hoggaamineed ee wasaaradda Kalluumeysiga DFS taasi oo keentay habacsanaan khilaaf joogta ah burinta heshiisyadii la galay sidaas daraadeed waxaan garwaaqsannay hakinta wadashaqeynta wasaarradd Kalluumeysiga ee DFS iyo Maamul goboleedyada”.

Wasaarahada Kalluumeysiga ee maamul goboleedyada ayaa tilmaamay in jarintaanka xiriirkooda ee wasaaradda ay tmid ka dib markii howlihii wasaaradda Kalluumeysiga ay noqdeen kuwo aan shaqenin isla markaasna ay ka baxday wasaaradda heshiiskii dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada ee ku aadanaa qeybsiga Kheyraadka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada