U bood dhigaalka

Xisbiga Kulmiye Ee Somaliland Oo Cagta Saaray Wadadii Uu Ku Baxay Xisbigii UDUB (Warbixin)

Sheeko:Dalka

Dhawaan waxaa magaalada Hargeysa isku casilay wasiiro ka mid ah maamulka Somaliland, taasi oo keentay hadal hayn aad u badan iyo sidoo kale siyaasad ku cusb deegaanada maamulkaasi uu ka taliyo.

Ma badneyn wasiiro iska casila maamulkaasi si cagacageynaya dhowr iyo Labaatanka Sano, wey jireen khilaafyo soo kala dhex gala hadba xisbiga talada haya, ama xisbiyada kale, hase ahaatee waxaa xallin jiray Odayaal dhaqameed oo go’aanka ugu dambeeya leh.

Waxa hadda Somaliland ka jira waa ay kasoo gudubtay Odayaal dhaqameed ama in si hoose wax loo xalliyo.

Xisbiga Kulmiye ee iminka talada haya waa kan ugu weyn ee halkaasi ka jira, waxa uu jiraa 12-sano, waxaana ka mid ah xisbigaasi siyaasiyiin aad magac ugu leh deegaanada maamulka Somaliland.

Xisbigaan ayaa qarka u saaran in gabi ahaantiisba uu bur buro, ama Laba garab oo kala aragti ah noqdo.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa lagu eedeynayaa in markii xilka uu qabtay uu jiho kale u leexiyay siyaasadii xisbiga, meeshana ka saaray wada tashigii iyo arrimo kale.

Hadaba midaasi waxay keentay in dhawaan ay xilka ka tagaan in ka badan 10 wasiiro iyo xubno kale oo maamulkaasi shaqooyin muhiim ah u hayay.

Dadka falanqeeya siyaasadda Somaliland waxay sheegeen in hadda xisbiga talada haya, gaar ahaan garabka Siilaanyo taageersan ay jahwareer siyaasadeed cusub geli doonaan maadaama Wasiirkii madaxtooyada maamulkaasi Xirsi Cali Xaaji ee loo arkay in siyaasadda maamulkaasi lagu maamulo hagi jiray uu meesha ka baxay, isaga oo maalin cad ku dhawaaqay inuu is casilay.

“Anniga oo ku kalsoon shaqadii aan bulshada u hayay, iyo sida aan iskula shaqeynay madaxweyne Siilaanyo, waxaan cadeynayaa in aan maanta iska casilay xilkii wasiirnimo ee aan hayay, arrimo badan oo jira awgeed” Xirsi ayaa sidaasi yiri.

Dad badan baa madaxa lasoo qaaday hadalkaasi kasoo yeeray Xirsi, sababtoo ah waxaa cadaatay in khilaaf siyaasadeedkii ka dhex jiray madaxtooyada Hargeysa uu gaaray meeshii ugu sareysay.

Xirsi wado ayuu furay, waxaana wadadaasi raacay wasiiro badan oo shaqo muhiim ah hayay, kuwaa oo iyaguna siyaabo kala duwan isku casilay, waxaana dhammaantood ay shaqada uga tageen hal arrin oo ah inay Siilaanyo la shaqeyn waayeen.

Dad badan baa aaminsanaa mar hadii xubnahaasi ay is casileen in Siilaanyo aanu aqbali doonin, balse isla maalintii ay Is casileen oo Isniintii aynu kasoo gudubnay ahayd buu warbaahinta la hadlay isaga oo sheegaya in aan loo hakan doonin wasiiro is casilay.

“Dadka hadii ay la socon kari waayaan maamulka jira, xaq bay u leeyihiin inay is casilaan, qofkii shaqadiisa ka tagay isaga ayeey quseysaa, laakiin waxaan cadeynayaa in dadku badan yahay, cidii aan ila shaqeyn karin wey iska tagaysaa qofkii ila shaqeyn karana wuu joogayaa” ayuu yiri Siilaanyo

Isla maalintii xigtay maalintaas oo ahayd Talaado 26-10-2015-ka, waxa uu siilaanyo soo buuxiyay boosaskii ay baneeyeen wasiiradii is casilay, iyadoo howsha ay noqotay mid sare usii qaaday xaalad siyaasadeedkii ka jirtay Hargeysa.

Maxaa Keenay In Xisbiga Kulmiye is Khilaafo?

Sida ilo xog ogaal ah ay sheegayaan arrinta ugu weyn ee la’isku qabsaday ayaa waxay tahay Labada musharax madaxweyne ee xisbiga kulmiye, kuwaa oo kala ah Maxamed Biixi Yooni iyo Muuse Biixi Cabdi, oo madaxweyne Siilaanyo la saftay mid ragaasi ka mid ah.

Siilaanyo ayaa taageeray Muuse Biixi, waxaana la sheegay kulan habeenkii ay taariikhda ku beegneyd 25-10-2015-ka ay magaalada Hargeysa ku kulmeen wasiirada Somaliland ee Kulmiye iyo Siilaanyo isaga oo ku amray inay Muuse taageeraan taasi oo keentay in lagu kala aragti duwanaado.

Waxaa goobta ka dhashay buuq illaa ugu dambeyn wasiirada is casilay ay sheegeen in aysan taageeri doonin shaqsi lagu qasbayo balse ay taageero u hayaan Maxamed Biixi Yoonis oo ahaa wasiirkii arimaha dibadda Somaliland.

Xal ma jiraa hadda

Golaha guurtida ayaa aad ugu howlan sidii ay ku xallin lahaayeen khilaafkaan siyaasadeed ee soo kala dhex galay xisbiga Kulmiye, kaasi oo saameyn ku yeeshay howlihii shaqo ee bulshada loo hayay.

Inkastoo ay aad u yar tahay rajada ay qabaan in waxgaradkani xaliyaan arrintaan, ayaa hadana waxaa laga yaabaa in siyaasadda hadda ka socota Hargeysa ay weji cusub yeelato.

Xisbiyada kale ee Somaliland sidee u arkaan khilaafka Kulmiye

Faysal Cali Waraabe oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa mar uu saxaafadda kula hadlay Hargeysa waxa uu ku baaqay in reer Kulmiye ay xaaladda dejiyaan, islamarkaana ay wax walbo si hoose ku xalliyaan.

Faysal ayaa ka digay in uu burburo xisbiga Kulmiye, isaga oo sheegay in waxa uu hadda arko ay u muuqdaan kuwo keeni kara xisbiga oo kala taga sida ku dhacday oo kale xisbigii UDUB ee mar talada hayay.

Shacabka Somaliland waa maxay aragtidooda Khilaafnaki ku aadan

Warbaahinta ka howlgasha deegaanada maamulka Somaliland ayaa aragti uruurin ka sameysay sida ay u arkaan wasiirada is casilay, siyaasadda aan fadhin ee ka socota madaxtooyada Hargeysa iyo arrimo kale.

Waxay shacabka intiisa badan aad usoo dhaweeyeen in wasiiradaan is casilaan, waxaana qaarkood ay sheegeen in xisbiga Kulmiye mudadii uu shaqeynayay aanu horumar badan soo kordhin.

Dadk qaar ayaa sheegaya in tani dhibaato ku tahay guud ahaan deegaanka, sababtuna waxay ku sheegeen in khilaaf uu keeni karo shaqdii xukuumadda oo hoos u dhacda, hay’adihii shaqeynayay oo qeyb ka noqday khilaafka iyo arrimo kale.

Hadaba waa la ogaan doonaa maalmaha soo aadan waxa xisbiga Kulmiye isku waafaqo, mar hadii hadda ay dhexdooda madaxa iskula jiraan, inkastoo sida hadda uu ku socdo ay tahay wadii uu maray xisbigii UDUB.

WD: Maxamed Abukar Kulmiye

Goobjoog News