U bood dhigaalka

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo Guddi u Saaray Xallinta Khilaafka Gudaha Xisbiga

Sheeko:Dalka

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa guddi dhex dhexaadin ah  u saaray khilaafka soo kala dhexgalay iyo cabashada uu qabo garabka uu hogaamiyo guddoomiye ku xigeenka xisbiga ee Axmed Muumin Seed oo la baxay garabka toosinta Waddani .

Guddigan oo uu horkacayo hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa  wadahadal la furay Axmed Muumin Seed kooxdiisa waxaana wadahadalkaasi oo ka socda magaalada Borama sida uu xisbigu sheegay lagaga haldalyaa khilaafkii soo kala dhexgalay xisbiga shirweynihii ka dib.

Inkasta oo aanu wali wadahadalkaasi dhammaanin hadana xukuumadda Somaliland ayaa xirxirtay odayaal sheegay iney ka qaybqaadan doonaan sidii xisbiga Waddani ee mucaaridka ah u wada heshiin lahaa  iyaga oo odayaashaasina lagu eedeeyay iney wadeen rabshado ka dhan ah  amniga.

Dhanka kale, intii ka dambaysay  shirweynihii  golaha dhexe ee xisbiga Waddani waxa soo baxaayey khilaafyo sii xoogaysanaya  oo  sababay  in masuuliyiin ka tirsan xisbigu  ay  ka tageen xilkii ay ka hayeen xisbiga dhexdiisa  waxaana ka mid ahaa  xoghayihii ciyaaraha ee xisbiga Waddani  Rowda Axmed Muuse oo iyadu is casishay  sidoo kale xildhibaan Siciid Cilmi rooble oo ka tirsan isna xisbiga ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo ka sii mid ahaanshaha xisbiga.

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo 22 bishan doortay murashixiinta xisbiga u mataleysa doorashooyinka soo aaddan ee Somaliland ayaa doorashada ka dib waxaa dhashay khilaaf ku aaddan doorshada madaxweyne ku xigeenka iyo sida ay u dhacyso, taas oo dhalisay in garab ka tirsan xisbigu uu meel goonni ah ka istaago xisbiga.

waddani

Goobjoog News