U bood dhigaalka

Xisbiga Waddani oo si Kulul Ugu Jawaabay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland

Sheeko:Dalka

Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa si kulul ugu jawaabay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo xisbiga Waddani ku tilmaamay mid ku fashilmay saaxadda siyaasadda.

Xildhibaan Ibraahim ayaa ugu horreyn ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka oo ku sheegay mid lumiyay kalsoonidii shacabka, waxa uu yiri;

“Saylici saxaafaddu way taqaannaa sida lagu keenay kursiga sida lagu fadhiisiyayna way la socotaa, inuu maanta ka hadlo dimuqraadiyadda isagoo la wada ogyahay siduu u lumiyay kalsoonidii shacabka iyo kursigii madaxweyne ku xigeenka ee uu ummadda u hayayba waa ceeb iyada naftarkeedu, wax nuqsaan ah weeyaan; sidaad la socotaan madaxweyne ku xigeenkeennu isagoo madaxweyne ku xigeenkii qaranka ah ayuu nin suuqa jooga yiri madaxweyne ku xigeen baan u noqonayaa fashilaad siyaasadeed intaas ayaa ugu filan”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay; “Waxa uu sheegay haddii uu ku guuleysto xilka mar uu Gabiley ka hadlaayay inuu dowlad loo dhan yahay soo dhisi doono, miyaanu tan horeba madaxweyne ku xigeen ka ahayn oo uu soo dhiso dowlad loo dhan yahay ama lagu kalsoon yahay, maxaa is bedelay? Maxaa u soo kordhay bal ummadda ha u soo bandhigo”.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici oo ah murashax u taagan xilkaas dhanka xisbiga Kulmiye oo maalintii shalay hadal jeedin  ka sameeyay  magaalada Gabiley, ayaa waxa uu  halkaa dhaliil uga soo jeediyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu ku sheegay iney fashilmeen “Xisbiga Waddani waxa uu ku fashilmay tallaabadii koowaad ee murashixiinta”.

Dhanka kale, afhayeenka xisbigu waxa uu baaq u diray xubnaha xisbiga ka gadoodsan ee uu hoggaaminayo Axmed Muumin Seed isagoo xasuusiyay iney habboon tahay in xisbiga gudaha laga saxo ee aan saxaafadda hadallo la isku marin;

“Toosinta macneheedu maaha inaad Tv-yada soo istaagto iyo saxaafadda oo aad cid kale u adeegto, oo halkaa xisbigaaga ka soo dacaayadeyso, haddaad toosineyso oo ay dhab kaa tahay hoggaankii xisbiga ayaad tahay goddoomiye-hayagii baad ahayd, adaa na hor kacayay, xisbigu kii ku soo saaray ee wax kaa dhigay buu ahaa sidii baan kuu ogolnahay oo aan kuu jecelnahay, kaalay oo nasoo horfadhiiso oo noo sheeg waxa khaldan, inaad garab la baxdo xeerka xisbigu ma ogola, xeer 14 ma ogola”.

Ol’olaha tartanka doorashooyinka Somaliland ayaa si dadban uga socda guud ahaan Somaliland iyadoo xisbi kastaa uu qabsado xaflado uu ku soo dhaweynayo taageeraal cusub, iyadoo saxaafaddana la isku mariyo hadallo xisbi kastaaba is leeyahay waxaad ku soo jiidan kartaan shacabka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada