U bood dhigaalka

Xisbiga Waddani oo si Rasmi ah u Shaaciyay Liiska Musharixiinta u Tartameysa Matalaada Xisbiga ee Doorashada Somaliland

Sheeko:Dalka

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa kala reebay musharaxiintii faraha badneyd ee u taagnaa tartanka jagada musharaxa madaxweyne iyo ku xigeenkiisa gudaha xisbiga, doorashada madaxtimada Somaliland ee la filayo bilowga sanadka 2017 .

Shir jaraa’id oo uu qabtay xoghaya guud ee xisbiga Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayuu ka sheegay in kala shaandhayn ay ku sameeyeen 6 musharax oo u tartmaaye la hayd jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga ay ku soo reebeen 2 musharax kaliya, kuwaas  oo kala ah Axmed Muumin Seed oo ah gudddoomiye ku xigeenka xisbiga iyo Dr Cabdinaasir Maxamed oo isna u taagan jagadaas oo ku tartami doona.

Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in shuruudaha lagu kala reebay ay ka mid ahaayeen inta uu musharraxu uu ka mid ahaa golaha dhexe ee xisbiga iyo maalgelinta uu ku sameeyey xisbiga gaar ahaan waqtigii asaaska xisbiga.

Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo ka hadlaaya waxa uu yiri” maanta khilaaf la’aan ayaanu ku galaynaa shirweynaha 19 bishan qabsoomi doona madaama aanu sii dhammaynay shaqadii ugu muhiimsaneyd oo ahayd ta musharaxiinta”.

Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in labo musharax oo jagada u tartanka madaxweyne-nimo kula jiray Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo dhawaan baneeyey xilka guddoomiyaha xisbiga Waddani ay u tanaasuleen iyaguna guddoomiyaha, sidaa darteed uu musharaxa madaxweyne u taagan yahay C/raxmaan Cirro oo qura .

Xisbiga Waddani ayaa sheegay iney yihiin xisbiga kaliya ee shirweyne hortii sii kala reebay musharaxiinta iyaga oo musharax kastaana uu sii sheegay inuu ku qanci doono, natiijo kasta oo u soo baxda kuna dhaqmi doono.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada