U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo Markale Sheegaty in Soomaaliya ay Gargaar u Baahan Tahay

Soomaaliya oo xilligaan wajahaysa xaalada Bani’aadannimo oo sal u yihiin abaarta ku dhufatay, ayaa waxaa safar kusoo gaaray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Manuel de Oliveira Guterres, shir’ jaraa’id oo ay wadajir u qabteen isaga iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ayuu ku yeeshay in safarka yahay garab istaag iyo sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa xaaladda ka jirto Soomaaliya arrimaha Banii’adannimo.

Xoghayaha ayaa imaatinkiisa Muqdisho waxyar kadib waxaa uu u kicitimay magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu booqasho ku tagay xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah ee ka soo hayaamay abaaraha iyo deegaannada Al-shabaab ay howlgalladu ka socdaan, waxaana safarkiisa magaalada ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran SODMA.

“Tani waa booqasho barbar istaag ah, bil walba oo ramadaan ah, waxaan booqasho ku tagaan dal muslim ah, manta waan ku faraxsanahay in aan sida caadada aheyd aan Soomaaliya imaado oo aan idinla soomo si barbar istaag ah, waxaan u mahadcelinyaa qof walba oo kaalin ka qaatay  in aan idin la qaato waqtigaan qaaliga ah, waxaan rajeynayaa in aan soo xaadiro afurka uu inagu casuumay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiekh, aniga iyo martida kale ee qaaliga ah” ayuu yiri xilli uu ka hadlaayay magalaada Muqdisho shir jaraa’id ay wada qateen.

Xoghayaha ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku sheegay in kulan uu la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda ay ka wadahadleen dagaalka ay dowladda ay kula jito Al-shabaab, xiriirka adaga ee ka dhaxeeya dowaladda dhexe iyo maamullada dalka ka jira iyo  sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaalia, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in xukuumadda ay dajisay qorshe lagu sugayo amniga guud, si loo gaaro isku filaanshao amniga ah.

“Aniga iyo madaxweynaha waxaan ka  wadahadalnay, dagaalka ay dowladda kula jirto argagixisa iyo nabad ku Soo dabaalida Soomaaliya.  Waxaan hoosta ka xariiq xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya maamulada dalka iyo dowladda dhexe. Dowladda dhexe iyo maamulada dalka way ku xisaabtami karaan taageeradeena dib u dhiska dalka, waxaan si gooni ah u bogaadinayaa heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen dowladda dhexe iyo maamulada ee la xariiray awood qeybsiga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo hadlayay.

Xoghayaha ayaa sidoo kale ku sheegay shirkiisa in Soomaaliya ay u baahan tahay taageero caalami ah, taas oo la xiriirta xaaladaha Banii’adnnimo ee ka dhashay abaaraha dabada dheeraaday ee dalka ku dhuftay, taas oo ay ku baxeen malaayiin xoola ah oo ay dhaqanayeen dadka reer guuraaga ah, iyada oo ku kaliftay in ay usoo guuraan magaalooyinka si ay uga helaan nolo ay ku dabaraan nolosha, iyaga oo noqday barakacayaal gargaar sugaya.

“Waxaan rabaa in aan carabka ku xoojiyo baahida looqabo taageero caalami ah oo xooggan sababta oo ah xaaladda bini’aadinimo ee uu dalka wajahayo, taageerada loo baahanyahay dib u dhiska dalka, horumarinta amniga, xasilinta iyo horumarinta dalka. Soomaaliya waxay roob la’aan aheyd shan sano ah oo is xiga, waxaan rajeynayaa roobkaan hada yimid in uu soo kabi doono xaaladii adkeyd ee ay dhalisay abaarta” ayuu yiri Antonio.

Ugu dambeyn Xoghayaha ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo gabagabeeyay in xilligaan Soomaaliya ay wajahayso cuno yari baahsan, taas oo saameyn ku yeelatay 5 Million oo Soomaali ah, kuwaas oo intooda badan ay saameyn ku yeelatay abaarta baahsan, iyadoo xilligaan roobabka da’aya ay geysanayaan Fatahaado, taas oo sii adkeynaysa xaaladda Banii’annimo ka jirta dalka, Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in gargaar loo baahan yahay.

” Ku dhawaad 5 milyan oo Soomaali ah ayaa wajahaya cuno yari,  xaaladana waxaa sii murjiyay sara u kaca qiimaha cunta, hadaba waxaan ugu baaqayaa dheeqbiyaasha, iyo hoggaamiyaasha caalamka in ay sare u qaadaan taageeradooda, si looga jawaabo qorshaha ka jawaabida arriamaha bini’aadanimada Soomaaliya kaas oo hada heysta kaliya 15 boqolkiiba miisaaniyadii loo baahnaa, dadka Soomaaliyeed waa u qalmaan barbar istaag caalami ah” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay xilli uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Goobjoog News