U bood dhigaalka

Xoghayihii Xisbiga Kulmiye Ee Laascaanood Oo La Dilay

Sheeko:Dalka

Gudaha Magaalada Laascaanood waxaa xalay lagu dilay Maxamuud Barqadle Cabdi oo ahaa xoghayihii Xisbiga Kulmiye ee gobolka Sool.

Maxamuud Barqadle ayaa markii la dilayey waxaa uu ku sugnaa Maherad uu lahaa,isaga oo markaasi isku diyaarinayey inuu aado Masjid u dhowaa si uu ugu soo tukado Salaadda Cishaha.

Dableyda dilka geysatay ayaa lagaraneynin haaybtooda, waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa soo gaaray Ciidamo ka tirsan Somaliland waxayna meesha ka sameeyeen holwgal lagu baadi goobayey dableydii weerarka geysatay .

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada