U bood dhigaalka

Xogta Goobjoog: Sidee Abaarta u Saameysay Guud ahaan Soomaaliya?

Sheeko:Dalka

Abaarta hadda ka jirta guud ahaan Soomaaliya ayaa noqoneysa tii ugu saameynta badneyd, uguna darneyd 10-kii sano ee lasoo dhaafay iyada oo dowladda Soomaaliya ay xog rasmi ah ku sheegtay in ay waxyeeladu gaartay ilaa 5, 309, 552 oo qof.

Xog ay Goobjoog News ka heshay hey’adaha rasmiga ah ee dowladda federaalka ah ayaa waxaa ku cad saameynta abaarta ee dhammaan maamul goboleedyada, isbadallada dhacay muddo 3 bil ah.

Gobolka Banaadir: November 23, saameynta waxay gaartay 60,000, iyada oo tirada ay marba is badaleysay, oo tusaale ahaan waxay December 18, gaartay ilaa 136,088 qof halka January 18-keeda diwaangelintu aheyd 144, 088 qof.

Galmudug: Tirada dadka ay abaarta saameysay waxay aheyd November 23 ilaa 310,177 qof, iyada oo January 18-keeda ay  gaartay ilaa 444,823 qof.

Hirshabelle: Saameynta waxay aheyd November 23 ilaa 111,060 qof, halka ay January 18 ay dadku gaareen ilaa 481,720 qof oo deegaankaas ah.

Jubbaland: Xogta waxaa ku xusan in tirada abaarta saameysay Jubbaland ay aheyd November 23 ilaa 470,540 halka January 18 ay tirada gaartay 2,203,923 qof.

Koonfur Galbeed oo ka mid ah meelaha ay abaarta ugu saameyn badan tahay, Novembet 23 waxay dadku gaarayeen 647,605 halka January 18 ay noqdeen 1,096,072 qof.

Puntland: Abaarta ka jirtay Puntland waxay November 23 saameysay 567,354 qof halka ay January 18 gaartay ilaa 747,544 qof.

Somaliland: Xogta waxaa ku jirta in dadka ku nool Somaliland ee abaarta saameysay November 23 ahaayeen 175,333 halka ay January 18 gaareen ilaa 191,382 qof.

Guud ahaan wadarta dadka la sheegay in abaarta ay saameysay ee maamulladaas kala duwan ilaa January  18, waxay gaareen 5, 309, 552. 

Xogta ay Goobjoog News ka heshay dowladda federaalka ah ee la xiriira abaaraha waxaa ku xusan oo kale ku jira marka laga soo tago dadka oo lagu sheegay 5, 309, 552, xoolaha 7,556,013 iyo dadka Barakacayaasha ah oo gaaray ilaa 437,653 qof.

Xogta waxaa ku jirta in dowladdu bixisay ilaa 100 tan oo raashiin ah iyada oo weli ay socoto daabuleynta raashiinka iyo biyo dhaaminta, waxaa kale oo ra’isul wasaare Rooble uu baaq diray November 14 isaga oo dalbaday gargaar, laakin waxaa ay Muqdisho sheegeysaa in abaarta ay ka saameyn badan tahay awoodda dowladda federaalka ah, ay u baahantahay kaalmada gacan kale sida gacanta umadda Soomaaliyeed iyo saxiibada beesha caalamka.

Dalalka Taageerada Bixiyey: 

UK: Ergeyga UK ee kahortagga abaaraha Nick Dyer, oo bishan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay lacagta abaarta ugu talo galeen ay ku dari doonaan ilaa $8 million (£5.5 million) taas oo UK wax uga qaban doonto abaarta, lacagtan ayaa lagu kordhin doonaa Ilaa $10 million oo uu horay u sheegay in U.K wax uga qaban doonto abaarta wasiirka UK ee Vicky Ford , January 2022.

Imaaraadka:  Dalka Imaaraadka carabta ayaa noqday midka keenay raashiinkii ugu badnaa ee wax looga qabanayo abaarta ka jirta Soomaaliya 2022-ka, taasi oo ka dhalatay safarkii ra’isul wasaare Rooble iyo kulamada uu qaatay madaxda UAE 4-tii maalin ee uu joogay dabayaaqadii Janaayo iyo horraantii bishan.

Isniintii shalay aheyd waxaa uu Muqdisho kasoo dejiyey diyaaraddii 3-aad, iyada oo hey’adadda bisha cas ee Imaaraadka ay keentay ilaa 40 tan oo cunto, timir iyo qalab kale oo caawin ahaa, waxaa la sheegay inuu Markab  soo xiran doono maalmaha soo socda, lana gaarayo in si toos ah ayba macaawinada ugu xiranto dekadaha kala duwan ee dalka.

Mucaawidan oo uu amray dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed Bin Zaa’yid ayaa dufcadii ugu horeysay qeyb ka mid ah waxaa la gaarsiiyey Gedo, iyada oo la filayo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gobolada kale u helaan.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Imaaraadka waxaa lagu sheegay in ay dejiyeen barnaamij wax looga qabanayo guud ahaan abaarta Soomaaliya, iyaga bartilmaameedku yahay 4.6 milyan oo dad ah oo ay ku jiraan barakacayaal gaaraya 345 kun oo qof, waxaa kale oo Abuu Dhabi ay intaasi raacisay in ujeedku yahay kaalmo banii’aadnimo.

Dowladda Turkiga ayaa sidan oo kale waxay caawisay Soomaaliya 2011-kii xilligaas oo ay dalkan geeska Afrika dhaca uu ku dhufatay abaar middan ka darneyd, oo qixisay hal milyan oo qof isla markaana ayna ku dhinteen 250 kun oo qof.

Goobjoog News