U bood dhigaalka

Xoogagga Reer Falastiin iyo Israa’iil oo Xabad Joojin Ku Heshiiyay

Sheeko:Caalamka

Waxaa raxjo laga muujinayaa in xabbad joojin ay qabsoonto Marinka Gaza, si loo soo afjaro dagaalka shanta maalmood ee u dhexeeya ciidanka Israa’iil iyo xoogagga reer Falastiin ee Islamic Jihad (PIJ) ee Gaza, dagaalka ayaa intii uu socday waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ugu yaraan 33 falastiiniyiin ah ayaa geeriyootay tan iyo talaadadii magalaada  Gaza, halkaas oo Israel sidoo kale ay sheegtay in ay duqeysay bartilmaameedyada mas’uuliyiin ka tirsan kooxda Islaamic Jihad ee ka dagaalanta marinta Gaza oo duqeymo ka wadaan diyaaradaha ciidamada Yuhuudda.

Gantaal ay Falastiiniyiintu ku garaaceen Israa’iil ayaa dilay laba qof oo mid Israa’iili yahay iyo mid Falastiini ah oo ka shaqaynayey dalkaas. Dadaallada dhex dhexaadinta ah waxaa garwadeen ka ahaa Masar, taasoo ku boorisay labada dhinac inay u hoggaansamaan heshiiska xabbad joojinta.

Washington ayaa soo dhaweysay ku dhawaaqista xabbad joojinta, waxayna sheegtay in saraakiisha Mareykanka ay kala shaqeeyeen saaxiibada gobolka si loo gaaro qaraarka, waxaana xaaladdu ay tahay mid adag marka laga ambo qaado in ciidanka Israel lagu eedeeyay dilka haween iyo caruur.

Goobjoog News