U bood dhigaalka

Xoogga Dalka Oo Hawlgal Ka Fuliyey Deegaanka Camaara

Sheeko:Dalka

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa la sheegayaa in saaka hawlgal qorshaysan ay  ka wadaan deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey Al-shabaab.

Saaka waaberigii ayay deegaankaasi galeen ciidamadan oo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, waxaana ay qabteen sadex nin oo la shaqaynayey Al-shabaab.

Hawlgalka oo wali socda ayay ciidamadu ku baarayaan xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Gudoomiyaha deegaanka Camaara Sh Yuusuf Salaad ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad basaas u ahaa xagjirka iyo kuwa ka tirsanaa.

Qaybta 21-aad ee xoogga dalka oo dhawaan lagu sameeyey isbadal xagga hogaanka ah ayaa qaybo ka mid ah Mudug iyo Galgaduud ka wado hawlgallo lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab.

Goobjoog News