U bood dhigaalka

Xoolo Dhaqatada Gobolka Sool Oo Gurmad Bini’aadannimo Dalbadey

Sheeko:Dalka

Deegaanno dhowr ah oo dhaca bariga iyo Koonfurta gobolka Sool ayaa iminka waxaa laga soo sheegayaa iney ka jirto abaar daran oo saameysay dadka iyo Duunyada, iyadoo halkaasi aanu ka da’in Roob badan.

Waxaa lasoo sheegayaa in xaaladdu ay tahay mid kasii darreysa, iyadoo dadka ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo dhan walbo isugu jira.

Wariyaha Goobjoog News ee gobollada Sool iyo Sanaag, Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in abaarta ay gaartey halkii ugu darneyd, iyadoo gurmad ay u baahan yihiin dadka xoolo dhaqatada u badan.

Waxa uu sidoo kale wariyaheena soo sheegayaa in qaar kamid ah xoolo dhaqata iyo dadkii kale ee caadiga ahaa ee ku sugnaa deegaannada abaartu ka jirto ay billaabeen iney halkaasi ka hayaamaan.

Xoolo dhaqatada waxay ka dalbadeen cid walbo oo Soomaaliyeed in gurmad Bini’aadannimo ah la gaaarto.

Deegaanno badan oo kamid ah gobollada dalka waxaa ka jira abaar saameysay dadka iyo duunyada, waxaana dadku ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo dhanka biyaha ugu horreeyo.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada