U bood dhigaalka

Xukun Lagu Ridey 5 Dhallinyaro Ah Oo Labo Gabar Ku Kufsaday Goldogob

Sheeko:Dalka

Guddi culimo ah iyo maamulka Puntland ayaa maanta waxay xukun ku rideen 5 dhallinyaro ah oo horraantii bishan Labo gabdhood ku kufsaday degmada Goldodob ee gobolka Mudug.

Dhallinyaradan ayaa lagu xukumay Xabsi, jeedal, iyo sidoo kale in ay bixiyaan magdhow ah dhibaatadii ay gabdhahaasi u geysteen.

Goobta xukunkaan ka dhacayey waxaa goob joog ka ahaa wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta ee Puntland Saalax Xabiib Jaamac , wasiirka Haweenka ee Puntland Aniso Xaaji Muumin iyo taliyaha ciidamada Booliiska Puntland C/qaadir Shire Faarax.

Sidoo kale waxaa madasha xukunkaan ka dhacay ku sugnaa waxgaradka dhallinyaradan ehlada gabdhihii la kufsaday iyo sidoo kale shacabka degmada Goldogob ee gobolka Mudug.

Waxgaradka dhallinyaradan ayaa horey u doonayey in arrinta ay qaab dhaqan ku dhameeyaan, hase ahaatee maamulka Puntland iyo culimada ayaa go’aamiyey in dhallinyaradan cadaaladda la marsiiyo.

Xukunka ayaa sidan u dhacay:

Shirwac Jaamac Juunle 10 Sano oo Xarig ah 200 oo Jeedal ah.

Yaasir Maahir 8 sano oo Xarig ah iyo 200 oo Jeedal ah,

Yaxye Cabdulaahi Awkax 6 Sano oo xarig ah iyo 100 Jeedal ah.

Ayaale Wale 7 Sano iyo 100 Jeedal.

Cabdirisaaq Xoosh Jabriil 5 Sano oo Xarig 100 jeedal

Waxaa la filiyay Jeedalka, waxaana fuliyay Ciidanka Dawladda Puntland

Goobta xukunka ka dhacayey waxaa ka maqnaa mid kamid ah dhallinyaradii wax kufsatay oo ahaa shaqsigii Lixaad ee falkaasi fuliyey.

Dhallinyarada ayaa isla goobta lagula fuliyey jeedalkii, waxaana sidoo kale loo qaadey xabsiga magaalada Garoowe si ay xukunkooda halkaasi ugu dhammeystaan.

Goobjoog News

003 002 001

Mawduucyada:Gobollada