U bood dhigaalka

Xukuumadda Farmaajo oo ka hadashay Qarax lagu dilay Injineero Turki ah

Sheeko:Dalka
Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta Barqanimadii duleedka magaalada Muqdiso lagula eegtay qaar ka mid ah Injineerada dhisaya wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye .
Maxamed Ibrahim Macallimuu  Afhayeenka Xukuumadda  oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumadda ay Cambaareyneyso weerarka ismiidaaminta ee  lala beegsaday Ciidanka Booliska Haramcad iyo Injineerada Turkida ahaa ee dhigayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Macalimuu ayaa sidoo kale sheegay inay dowladda tacsi u direyso dadkii ku geeriyooday qaraxii Maanta ee isugu jiray Ciidanka iyo dad shacab ah oo xiligaas goobta Agdhawaa, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawacyo ah.
Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in xukuumadda ay ka go’an tahay sii wadista dhismaha jidkan muhiimka ah, isagoo shacabka ugu baaqay in ay dhinac uga soo wada jeestaan la dagaallanka Al-shabaab.
Dhanka kale Ururka Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Lafoole, iyagoona inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Turkiga, halka laba Askar kalena ay dhaawacmeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuldareeysatay Sugidda amaanka Injineerada iyo Farsama yaqaanada Dhisaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye .