U bood dhigaalka

Xukuumadda Iyo Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo 4 Qodob Ku Heshiiyay

Sheeko:Dalka

Ka dib kulamo maalmo socday qaarkoodna lagu kala kacayay ayaa ugu dambeyn waxaa is faham buuxa gaaray Xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaridka Somaliland, taasi oo ku saabsan waqti la qabanayo doorashooyinka maamulkaasi.

Waxaa la’isku af gartay in la aqbalo xilligii ay golaha wakiilada u qabteen in doorashooyinka ku dhacaan, islamarkaana waqtigaasi aan laga daba marin, kahorna lagu dadaallo qaabkii ay wax u dhici lahaayeen.

Qodobada ay isla garteen ayaa sidaan ah:-

  1. Waxaanu Ixtiraameynaa Go’aankii Golaha Guurtida Ee Kordhinta Muddo Xileedka Madaxweynaha Ku Xigeenkii Iyo Golaha Wakiilada Somaliland
  2. In Doorashada Madaxweynaha Iyo Golaha Wakiiladu Ay Qabsoomaaan Bisha 12 Ee Sanadka 2016
  3. Waxaa ay Saddexda Xisbi Qaran Ucid, Wadani Iyo Kulmiye Ku Talinayaan In Dooroshooyinku Qabsooman Bisha 12 Ee Sanadka 2016 Iyada Oo Kominshanka Doorashoyinku Uu Soo Jeedin Doonan Maalinta Ay Qabsoomeyso Doorashooyinku
  4. Maadama Oo Saddexada Xisbi Qaran Ay Ku Hishiiyen Wakhtiga Doorashooyinka Waa In Kominshanka Doorashooyinku Soo Jeediyaan Maalinta Ay Qabsoomeyso Doorashooyinku Isla Markaana Waxaa Aanu Soo Jeedineynaa In Madaxweynuhu Digeertu Ku ansixiyo Maalinta Doorashooyinka.

Tani ayaa waxa ay meesha ka saareysaa khilaafkii maalmahaan dambe soo jiitamayay ee u dhaxeeyay Xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaridka ee Somaliland.

Goobjoog News