U bood dhigaalka

Xukuumadda Oo Sheegtay In Mas’uuliyadda Dhib Dambe Oo Ka Dhaca Gaalkacyo Qaadi Doonto Cidii Bilwda

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in masuuliyadda dagaal dambe oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo ay qaadanayso cidda billowda.

Hadalkani waxaa ka dhawaajiyay wasiirka arrimaha gudaha Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo saxaafadda kula hadlay magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in xaaladda magaalada Gaalkacyo ay deggan tahay, islamarkaana Labada maamul ay ka shaqeynayaan nabadda magaalada.

Maamul kasta oo billaaba dagaalka ayuu sheegay inay qaadanayso masuuliyadda wixii ka dhasha oo khasaare ah, lagana wada hadlay in bulshada nabadda loo horseedo.

Dhinaca kale Kulamo nabadeed ayaa ka soconaya saakay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, kaasi oo lagu sii xoojinayo heshiiskii ay gaareen maamullada Puntland iyo Galmudug.

Kulamadani waxaa ka qeyb galaya wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi, madaxda Labada maamul iyo Odayaasha dhaqanka.

Magaalada Gaalkacyo waxaa weli dib ugu laaban qoysaskii ka barakacay labada dhinac ee magaaladaasi.

Goobjoog News