U bood dhigaalka

Yaa Ka Qeyb-galaya Shirka Maamul Goboleedyada Ee Kismaayo?

Sheeko:Dalka

Waxaa axadda lagu wadaa in shir muhiim ah oo looga hadlayo federalism-ka Soomaaliya uu ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunt KMG u ah maamulka Jubbaland, gogoshaasi waxaa bishii hore fidiyay madaxweynaha maamulkaas Axmed Islaan Madoobe.

Hadaba, Puntland oo laga shaki-qabay ayaa khamiistii shaacisay in ay tageyso shirka, waxaa sidoo kale isla shalay adkeeyay in ay shirka ka qeyb-galayaan Koonfur galbeed, maamullada kalana dhammaan waa tagi-doonaan

Shirka Kismaayo waxaa hareeyay arrimo ay ka mid yihiin xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, waxaa kale uu jira in xiriirka dowladda federaalka ah iyo maamullada taageeray Sacuudiga iyo Imaaraadka aanu fiicneen.

Shirka Kismaayo ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan arrimo muhiim u ah geedi-u-socodka Federaalka ah Soomaaliya, iyada oo qodobada ka soo baxa loola iman-doono dowladda federaalka ah si ay wax uga dhahaan.

Arrimaha shirka, Kala soco, Goobjoog News