U bood dhigaalka

Yarisow: Stadium Muqdisho waxaan ku qabaneynaa Tartanka Maamul Goboleedyada 2018

Sheeko:Cayaaraha

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) ayaa sheegay in maamulkiisa xooga saarayo labada bil ee ka harsan sanadkan 2018 sidii loogu diyaari garoobi lahaa in Stadium Muqdisho uu marti geliyo qabashada tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

“Tani waxa ay fursad siinaysaa ciyaartooyda iyo wafooda ka imaanaysa Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee olalahan ka qeyb galaysa tartanka xiisaha badan ee maamulada dalka wuxuuna abuuri doonaan jawi kale oo aad u wanaagsan maadam ay xidigaha ciyaarayo ay nasiibo u yeelanayaa ku dheelista stadium Muqdisho waxaa sidaas warbaahinta u sheegay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow).

Duqa Muqdisho oo sii hadlaya waxuu yiri“Waxaa rabnaa in aan abuurno jawi wanaagsan oo ku aadan horamarinta ciyaaraha Gobolka Banaadir hadafkeena waa in aan dhalinyareedana u abuurnaa fursado cusub taas oo ku aadan ku aadan geedis socod wanaagsan.

Dhinaca kale, gudoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Yabarow Wiish oo isna arrintan ka hadlay wuxuu yiri  “Marti gelinta Stadium Muqdisho ee tartanka Maamul-Goboleedyada waa fursad abuur wanaagsan oo ku aadan xaga ganacsiga iyo isu soo dhawaashaha bulshada Gobolada iyo Gobolka Banaadir”.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay caasimada Muqdisho ku qabtay fiinalaha tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir in la ciyaaro xili habeeno waxaan arintaas soo dhaweeyay bahda ciyaaraha dalka iyo madaxda isboortiga caalamka.

August 28, 2018: Ciidamada AMISOM ayaa ka baxay Stadium Muqdisho kadib 10 sano uu garoonka ahaa saldhig Militari, waxaana lagu wadaa in tuulada ay ku soo noqotay sidii ay aheyd.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada