U bood dhigaalka

Yuusuf Dabageed Oo Mar Kale Loo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, isaga oo xilkii ka qaaday guddoomiyahii hore ee maamulkaasi.

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha Hiiraan, waxaana xilka laga qaaday C/laahi Axmed Maalin Sufurow.

Wareegtada Waare ee xilkan lagu magacaabay ayaa lagu sheegay in ulajeedka yahay sidii loo heli lahaa maamul wax ka qabta caqabadaha ka jira gobolka Hiiraan.

Mr. Sufurow kama aanu hadal weli xilkan laga qaaday, iyadoo dhanka kalena aanay jirin sabab ku cad wareegtada oo xilkiisa uu ku waayey.

Wixii ka dambeeyey dhismaha maamulka Hirshabelle waxaan cago badan ku fadhin maamullada loo magacaabo gobolka Hiiran, iyadoo Labo sano gudahiis gobolkaasi loo magacaabay dhowr guddoomiye.

Goobjoog News