U bood dhigaalka

Yuusuf Dabageed oo Xilka Wareejinaya Sabtida

Sheeko:Dalka
Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan  Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa waxaa uu aqbalay inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan loo soo magacaabay Cali Muxumad Carraale.
Kulamo waqti dheer qaatay kadib oo xildhibaano ka tirsan Hirshabelle iyo kuwa federaalka ee ka soo jeeda Hirshabellew la qaateen Yusuf Dabageed ugu dambeyntii waxaa uu aqbalay in uu xilka wareejiyo muddo bil ah kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay.

 

Muran ka dhashay xilka qaadista Yuusuf Dabageed ayaa  sababay in uu ku dhinto gacan ka hadal ka dhashay xil ka qaadistisa taliyihii ciidamada Booliiska ee gobolka Hiiraan.

Hase yeeshee mudadii uu diidanaa inuu wareejiyo xilka guddoomiyanimada gobolka Hiiiraan Yuusuf Dabaged ayaa waxaa ku sugnaa magaalada Beledweyne Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Yuusuf Dabageed ayaana la filaayaa inuu xilka wareejiyo maalinimada sabtida taariikhduna tahay 13-7-2019 ka

Goobjoog News