U bood dhigaalka

10 Caado Oo Hal-Abuureyaasha Ganacsi Ee Guuleysta Ay Ka Wada Simanyihiin

Sheeko:War

Qof walba waxa uu jecelyahay inuu hormar ka gaaro wax walba oo uu ku howlanyahay haddii ay ahaan laheyd goob-shaqo ama hal abuur uu la yimid. Iyada oo ay sidaa jirto hadane qof walba kuma guuleysto inuu ka miro dhaliyo yoolasha noloshiisa, oo waxaa jira caqabado badan oo ka hor imaanaya qofka.

Ganacsiga ayaa kamid ah meelaha dadka ay guul darro weyn kala kulmaan marka ganacsigooda uu bulaali waayo ama uu gaari waayo kobacii ay rabeen, waxaad sidoo kale arkeysaa ganacsi muddo sanooyin ah furnaa oo hadane aan dhaafin halkii laga soo bilaabay.

Guusha ganacsiga ama guul darada kuma xerna dukaanka ama dhismaha ay alaabtu taallo, balse waxa ay ku xerantahay hal-abuuraha ganacsigaas kala wada ee maamula. Sidaa darteed qormadan waxaan idin-kula wadaageynaa 10 caado (dhaqan) oo ay wada simanyihiin hal-abuureyaasha ganacsi ee guuleystay si dadka ganacsiga ku jira ama jecel in ay ganacsi bilaabaan uga faaideystaan oo ay isku dayaan in caadooyinkaas ay iska dhex raadiyaan.

HADABA WAA KUWAN (10-ka Caado)

  1. Guul darada waxa ay u arkaan wadada guusha loo sii maro: Mararka qaar waxaa dhacda in qofka uu ganacsi bilaabo isaga oo doonaya inuusan wax qasaara ah la kulmin. Markii uu qasaaro arkana ganacsiga ayuu xeraa oo waa uu joojiyaa, balse hal-abuurayaasha guuleysta sidaas ma aha. Waxa ay aaminsanyihiin in guuldaradu ay tahay marxalad u baahan in looga gudbo dhabar adeyg iyo dadaal, waxeyna u arkaan guul daradu (caqabadaha) in ay taagantahay albaab walba oo ay guul ku jirto.
  2. Waxa ay isku xeeriyaan koox dhiiran oo karti leh:Ma jiro qof kaligiis wax-walba qabsan karo, hal-abuurayaasha guuleysta waxa ay isku-xeeraan oo ay soo dhaweystaan dad howl-kar ah oo dhameystira waxa ka dhiman sidoo kalena kor u qaada sumcadda ganacsigooda. Dadka ay soo dhaweysanayaanna uma fiiriyaan diin, jinsi, midab ama qolo midna, balse waxa ay ka eegaan afkaarta, kartida, hufnaanta iyo sida qofka ay soo dhaweysanayaan uu ganacsigiisa guul u gaarsiin karo.
  3. Waxa ay is-barbar-dhigaan halkii ay shalay joogeen & halka ay maanta joogaan:Hal-abuurada ganacsi ee guuleysta waxa ay dib u milicsadaan marxaladahii ay soo mareen si ay u bar-bar-dhigaan marxaladda ay hadda joogaan. Daqligii bishii hore ayey barbar-dhigaan daqligii bishii hore, qarashaadkii sanadkii hore ayey barbar-dhigaan qarashaadka sanadkan. Isbarbar dhiggaas waxaa uga soo baxa halka ay talaabta xigta u qaadi lahaayeen. Soomaalida waxaa ay ku maahmaahdaa ‘markii aad tagtadaada taqaano ayaad timaadadaada u talin kartaa’
  4. Waxa ay jecelyihiin in ay jawaab helaan:Hal abuureyaasha ganacsi ee guuleysta ma daneeyaan kaliya in ay macmiil badan helaan oo ay faaiido ka sameeyaan, balse waxa ay daneeyaan in ay macmiisha ka helaan jawaabo ku saabsan adeegga iyo badeecooyinka ay iibiyaan, arrintaas waxey suurogelineysaa in hal abuuraha mar walba uu sii hormariyo adeeggiisa. Haddii aadan macmiilka weydiin sida uu arko badeecooyinka iyo adeegga shirkadda berri waxa uu heli doonaa qof kale oo weeydiiya cabashadiisa kadibna tixgeliya.
  5. Ganacsiga uma abuuraan in ay ganacsadaan:Hadafka 1’aad ee hal-abuureyaasha guuleysta ma aha in ay ganacsadaan oo ay lacag abuuraan balse waa in ay baahi daboolaan. Waana waxa ugu badan ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku qaldamaan, qofka inta uusan bilaabin ganacsiga waxaa muhiim ah in uu isweeydiiyo horta maxey dadku u baahanyihiin? Marka aad ogaato waxa ay dadka u baahanyihiin ee aan suuqa oolin ayaad dabooli kartaa baahi jirta, sidoo kalena aad ka sameyn kartaa lacag badan.
  6. Xiriir fiican ayey sameystaan:Hal-abuurayaasha ganacsi waxa ay wanaajiyaan xiriirka ganacsatada lamidka ah iyo kuwa ka duwan, waxa ay isku dayaan in ay xiriir fiican la yeeshaan ganacsatada ay isku adeegga bixiyaan ee ka jira wadamada caalamka si ay waayo aragnimo iyo garab uga helaan. Xiriirkaas ayey aaminsanyihiin in ganacsigooda uu ku hormari karo.
  7. Fikradaha kale ma xadaan/koobiyeeyaan:Hal-abuureyaasha ganacsi ee guuleysta waxa ay la yimaadaan afkaar cusub, waxa ay daboolaan baahi suuqa ka jirta, waxa ay suurageliyaan wax aan horay suura-gal u aheyn. Hal-abuurayaasha guuleystay ma xadaan fikradaha dadka kale iyo ganacsiyada jira, waxeyna u arkaan wax anshax darro ah oo dhaqaalaha dalka hoos u dhigaya.
  8. Hantida ay ka sameeyaan ganacsiga dib ayey ku kobciyaan ganacsigooda:Hal-abuurayaasha guul dareysta hantida ka timaada ganacsigooda waxa ay ku dhameeyaan in ay ku masruufaan qoysaskooda, halka kuwa guuleystayna ay dib ugu celiyaan ganacsiga iyo ama ganacsiyo kale si ay hormar ganacsi u sameeyaan. Waxeyna aaminsanyihiin in ganacsiga uu yahay sida dabka oo kale haddii dhuxul iyo qoryo lagu shubinna uu dami doono marka ugu dambeyso.
  9. Waa dad dhiirrogelin badan:Hal-abuureyaasha ganacsi ee guuleysta waa dad dhiirrogeliya dadka kale, shaqaalahooda ayey u mahadceliyaan oo ay dareensiiyaan in ay wax weyn qabteen marwalba oo ganacsiga uu gaaro guul weyn oo la taaban karo. Erayada mahadsanid, howl fiican baad qabateen, la’aantiin waxba lama gareen IWM ayey ku dhahaan shaqaalahooda maalin walba. Dadka talooyinka iyo hal-abuurnimada ganacsi wax ka weydiiyana waa ay u hagar baxaan. dadka kalena waxa ay ku dhiirrogeliyaan in ay bilaabaan ganacsi iyo howlo wax ku ool ah.
  10. Waa dad wax aqriya:Hal-abuure walba waa wax aqriye wanaagsan. Haddii uusan aqrin fikradaha dadka kale ma ogaan karo in fekerkan lagaga horeeyay iyo in kale. Hal abuuraha guuleysta xafiiskiisa lagama waayo buug ka madax-banaan shaqadiisa ama shaqadeeda. Afkaarta dadka kale ayey afkaar kale kala baxaan.Bil Gates sanadkii waxa uu aqriyaa 50 buug, halka Warren Buffet oo ah ninka labaad ee ugu hantida badan dunida 80%  maalintiiba waxa uu waqti la qaataa buugaagta.

Goobjoog News