U bood dhigaalka

Wabiga Shabelle Oo Laga Baqayo Inuu Ku Fataho Deegaanno Ka Tirsan Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Cabsi ku aadan in Wabiga Shabelle uu fataho ayaa ka taagan deegaanno ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo maamullada deegaannadaasi ay baaq ka direen.

Tuulooyinka Maandheere, Tugaarey, Maagey, Daymo Same, Halgan, Baardheere iyo kuwo kale ayaa lagu soo waramayaa in laga baqayo Wabiga inuu ku fataho.

Aweys Xasan Aadan oo ah guddoomiyaha Tuulada Maandheere oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Wabiga uu karkaarada soo dhaafayo, islamarkaana ay dadku ka baqayaan inuu fataho.

“Dhibaato ayaan horay ugu jirnay, cudurro ayaa jiray, Wabigii ayaa biyo keenay hadane fatahaad ayaa sanka inoo haysa, waxaan ka baqeynaa in biyaha ay kusoo fatahaan Maandheere, Tugaarey, Maagey, Daymo Same, Halgan iyo kuwo kale, meelaha qaar hadii biyaha kusoo fatahaan joogis malaha oo waa in laga wada guuraa, maamulka gobolka waan u sheegnay illaa hadda cid wax ka qabatayna malahan” ayuu yiri Guddoomiye Aweys Xasan.

Cali Xundow isna waa guddoomiyaha Tuulada Tugaarey, isna waxa uu Goobjoog News u sheegay in meel buq ah uu wabiga sameeyay, lagana yaabo in meeshaasi fatahaad xooggan ay ka billaabato.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in ay jiraan shaqsiyaad watay doomo islamarkaana biyaha si kas ah usii daayey, hadii ay sii socdaanna laga yaabo in xaaladda ay iska bedasho sida ay haatan tahay.

Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe ayaa haatan laga sugayaa in degdeg uu jawaab uga bixiyo xaaladahan kasoo cusboonaaday deegaanno ka mid ah gobolkaasi.

Goobjoog News