U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Spain kula kulmay Madrid

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”25″]

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shalay galab kula kulmay magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain dhiggiisa arrimaha Dibadda José Manuel García-Margallo oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal .

Kulanka labada Wasiir oo looga hadlay arrimo muhiim u ah danaha wadaagga ah ee labada dal , ayaa waxaa ka mid ahaa taageeridda hey’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya , iskaashi dhinacyo badan oo labada dowladood ay sameeyaan  iyo la dagaalanka argagaxisada.

Mudada uu kulanka socday , labada Wasiir Arrima Dibadeed , waxa ay is dhaafsadeen aragtiyadooda ku aadan xaaladaha iyo isbadalada Soomaaliya , gobolka iyo caalamka .

Dhinaca kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu kulan gaar ah la yeeshay  Mr. Alberto Virella oo ah  Agaasimaha Africa, Asia iyo Yurubta galbeed ee Wakaaladda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Spain (AECID) oo ay ka wada hadleen fulinta mashaariic horumarin, la dagaalanka saboolnimada iyo dejinta siyaasad cusub oo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo wax wadaagga labada dal .

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxa uu sidoo kale kaga qeybgalay Magaalada Madrid kulan dood wadaag  ah oo su’aalo lagu weydiiayay , kaasoo ay qaban-qaabisay Xarunta Cilmi baarista Spain ee Think Tank .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa xoojisay siyaasadeeda dibadda, iyadoo sidoo kale balaarisay xiriirka kala duwan ee kala dhaxeeya dowladaha , Urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga , si indhaha caalamka ay u arkaan hanaanka qurxoon ee isbadalada ammaan iyo hiigsiga barwaaqo ee shacabka Soomaaliyeed ay naawilayaan , taasoo kordhisay in dowladaha iyo ururada caalamiga ay dib uga furtaan Safaarado iyo Xafiisyo Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Wararka Goobjoog news