U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo saaka dil ku fulisay afar qof

Sheeko:War
Shabab la dilay1
Labo kamid ah afarta wiil ee dilka lagu xukumay o ku jira gaari dhexdiisa inta aan lagu fulin dilka.

Waxaa saakay lagu toogtay Fagaaraha Iskool boliisiyo oo dadka qaarkii ay u garanayaan Jeneral Kaahiye ee Magaalada Muqdisho Afar nin oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen xarakada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabkasida Col. Liibaan Cali Yarow ayaa xukunkaasi ku dhawaaqay saaka markii la toogtay afartasi nin kadib.

Fagaaraha Akedimayada Booliska magaalada Muqdisho [Ex Iskuul Boolisiya] ayaa dilkaasi toogashada ah uu ka dhacay iyadoo saraakiisha maxkamada ciidamada, maamulka gobolka Banaadir, Dawlada Hoose Muqdisho iyo ehelada afarta nin ee la tooganayey ay goobjoog u ahaayeen fulinta xukunka dilka ah.

Ragga la toogtay Waxay kala ahaayeen:

1)  Caawiye Axmed Jaamac, 25 jir ku dhashay degmada Burco ee gobolka Togdheer, waxaa loo heystay qaraxii hotel Maka al Mukarama oo dad badan ku dhinteen 09/11/2013.   Maxkamada ciidamada ayaa ku xukuntay dil 07/07/2014.

2) Mustaf Maxamuud Shidane, 22 jir, ku dhashay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaa loo heystay dilka askari ka tirsan ciidanka dawlada kaasoo qorigii uu watayna ay ka qaateen degmada Hodan.  Waxay maxkamada ciidamadu ku cukuntay dil toogasho ah 08/06/2014.

3) C/naasir Khaliif Maxamed, 21 jir, ku dhashay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaa loo heystay dilka askari ka tirsan ciidanka dawlada oo ay ka qaateen qorigii uu watay degmada Hodan.  Waxay maxkamada ciidamadu ku xukuntay dil toogasho ah 08/06/2014.

4) Nuur Cabdulle Cawaale, 21 jir ah, ku dhashay gobolka Galgaduud waxaa loo heystay inuu gacantiisa ku hayey qori Hoobiye 82mm ah oo magaalada Muqdisho lagu duqeyn jiray, kuna heystay degmada Dayniile.  Waxaa dil lagu xukumay 24/05/2014.

Madaxda Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa hore u sheegtay in aysan ku daahi doonin fulinta xukunnada ay gaarto maxkadda oo lagu helo eedeysanayaasha.