U bood dhigaalka

AMISOM oo la wareegtay sal-dhig Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Gedo

Sheeko:War

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan ciidanka Kenya ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Gadoon-dhawe oo qiyaastii  45 km u jira degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Cismaaciil Koofi oo ah taliyaha amniga Beled-Xaawo, ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay ka dib  dagaal qaatay muddo ku dhaw hal saac oo ay la galeen Alshabab  kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka oo fariisin muhiim ah u ahaa dagaal-yahannada Alshabab.

Cismaaciil Koofi ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidanka AMISOM ee deegaanka qabsaday, isagoo sheegay in haatan xaaladda Gadoon-dhawe ay tahay mid degan.

Qaar katirsan dadka deegaanka oo Goobjoog FM la hadlay ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii maanta, iyadoo duqeymo ay geysteenna ka dhasheen qasaaro soo gaaray dad rayid ah.

Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday abaabul ay ugu jiraan inay Al-Shabaab uga saaraan deegaannada ay uga sugan tahay gobolka.

Gadoon-dhawe ayaa lagu sheegaa iney tahay sal-dhig muhiim ah oo Alshabab ay ka abaabuli jireen how-gallada ay ka fuliyaan gudaha Kenya gaar ahaan gobokla waqooyi bari iyo deegaannada ku teedsan xadka Kenya iyo Somaaliya.