U bood dhigaalka

Aden Cabdulle Cusmaan

Sheeko:War

Aden Cabdulle Cusmaan waxaa uu ku dhashay magaalada Baladweyn sanadkii 1908-dii, halka uu waxbarashadiisa ku qaatay magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen aasaasayaashii ururka SYL, Aden Cabdulahi iyo Cabdulahi Ciise waxaa ay Leegada uga soo biireen Hiiraan sanad kadib markii la dhisay ururka, labadaba markii dambe, waxaa ay ka mid noqdeen hogaamiyeyaashii taariikhiga ahaa ee SYL.

Muddo sanado ag, waxaa uu Mr. Aden ka soo shaqeeyay in Leegada ay ku fiddo dhammaan gobollada dalka isagoo madax ka noqday xafiisyada qaarkood sida Mudug wakiil uga noqday.

1950-1960: Markii ay SYL noqotay urur doorasho geli kara, 1954-tii isaga ayaa hogaamiye ka noqday, waxaa uu ururka hogaamiyey dhammaan doorashooyinkii la galay mudadii dalka uu ku jiray daakhiliyada.

1958dii, waxaa loo doortay guddoomiyihii golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative Assembly, xilkaasina uu hayay illaa 1dii bishii July sanadkii 1960kii.

Xuriyadda kadib, I-dii July 1960-kii, waxaa Aden Cabdulle loo doortay in uu noqdo madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya, xilkaas uu hayey ilaa 1967-dii, kolkaas uu si dimoqoraadi ah ugu wareejiyay xilka murashaxii ka guuleystay ee Cabdirashid Cali Sharma’arke.

June 10, 1967: Waa Maalintii uu Xilka Aden Cadde ku wareejiyay madaxweynaha cusub Cabdirashid Cali Sharma’arke oo horay u ahaa ra’isul wasaarihiisa, Maalintaas waa mid laga xuso dhammaan qaaradda iyo dunida.

1960-1967: Waxaa xiligii uu madaxweynaha ahaa lagu xasuustaa dhowr arimood: dhismaha ciidanka xoogga dalka, dagaalkii 1664-tii ee aan la galnay xabashida, dastuurkii ugu horeeyay ee Soomaaliya, labo xukuumad.

Aden Cabdulle waxaa uu ahaa hogaamiyihii Soomaalida ku dhiirigeliyay in ay afkooda qortaan, waxaa kaloo uu furay warashado badan, xiligiisa waxaa ay Soomaaliya ka mid noqotay ururo caalami ah sida Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika oo uu isaga wax ka aasaasay.

Markii uu xilka ku wareejiyay Madaxweyne Cabdirashid Sharma’arke waxaa uu iska noqday beeraley isagoo hoy ka dhigtay Shabeellaha hoose,

Madaxweynaha Aden Cabdulle Cusmaan waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho June 11, 2007-dii isagoo maalmo ka hor ku geeriyooday Nairobi.

Goobjoog News