U bood dhigaalka

Ardayda Barta Xisaabta iyo Physics-ka Adeeggan Waxa uu Kuu Sahlayaa Qoraalka Astaamaha Xisaabta

Sheeko:War

Inbadan oo ka mid ah ardayda barata physics-ka iyo xisaabta ayaa u baahan iney si joogta ah ula falgalaan astaamaha xisaabeed ee kala duwan, xilli kastana qoraal uga baahan marka ay warbixinno sameynayaan amaba waajibaad loo diray dhanka computerka uga jawaabayaan.

Iyadoo ay jirto in barnaamijyada qaar sida Office oo kale laga heli karo dhammaan astaamaha xisaabeed, ayaa laakiin sidii loo baahnaa aaney marnaba ahayn, iyadoo wakhti farabadan u baahan inaad ku bixiso marka aad wax ku qoreyso.

Adeegga Paperspade waxa uu ardayga u sahlayaa qoraalka astaamaha xisaabeed iyadoo ardayga looga baahan yahay oo qura inuu luqadda English-ka oo kaliya uu ku qor, kadibna si otomatic ah ayay u soo baxaysaa astaantii xisaabeed ee uu u baahnaa.

Adeeggan aayaa si lacag la’aan ah waxaad iskaga diiwaangelinaysaa e-mailkaaga, kadibna qoraalladada ayaad si caadi ah u qoroneysaa, adigoo qoraalkaaga ku keydsan kara gudaha barnaamijka ama daabacan kar amaba la wadaagi kara dadka kale.

Qaabka wax loo qorayaa waa mid aad u fudud, iyadoo uu jiro jiheeye gaar ah oo adeeggu leeyahay oo ku tusinaya wadada ugu haboon ee aad u adeegsan karto. Hadaba haddii aad dooneyso inaad astaan xisaabeed qorto raac sida  ku cad tusaalaha sawirka ah ee hoose ka muuqda:

Ugu dambeyn, adeeggan ayaa waxa uu kuu suurtogalinayaa inaad ku sameysato dhammaan astaamaha kala duwan ee ay xisaabtu leedahay, matrices, kalkulas, interrations,…. I.W.M.