Boqolaal sano Kadib, Abwaanno Saadaalintoodii Ay Run Noqotay

astrology magic book

 Marka laga hadlayo filasho mustaqbal waxa dhici doona saadaalin dhanka cilmiga ah, waxaa inta badan aad caan ugu ahaa culumada ku takhasustay dhinacaa la saadaalinayo, laakiin waxaa jira abwaanno awooday, si nasiiba ha ugu hagaagto ama aragti fog ha yeeshaane, iney si sax ah uga warramaan waxyaabo ay fisheen, qaarkoodna boqolaal sanno ka dib uu cilmigu gaaray waxyaabihii ay ka sii warrameen.

Marka la eegayo suugaantii hore ee Soomaalida ayaa waxaad ku arkaysaa in Abwaanada Soomaaliyeed ay sii saadaaliyeen dhacdooyin farabadan oo markii dambe la arkay ishana laga qaaday, waxaan inta ootin ku taagan ku ahayd, aadna uga walwali jireeny kana gabyi jireen colaadda qabaa’ilka Soomaalida iyo heerka ay gaari karto haddii aan la is dabaqaban.

Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde waa kii ka gabyay qabyaaladda iyo colaadda Soomaali dhexdeeda ah, marka aad si gaar ah u eegto gabaygiisii ahaa “Dardaaran”, abwaanku waxwalba oo dardaaran ah wuu ku dhameeyay, waxa baydadkii gabayga ka mid ahaa;

Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey

Dabac-yaa lahaayay intaynu isu dooxayno

Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna

Kollaba doogsan maysaan intaad dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

Gabaygan oo ahaa 1970-dii ayaa abwaanka xilligaa dadka gabaygiisa dhageystaa u arkayeen in xoogaa ka badbadis ah uu ku jiro, laakiin marka aad hadda eegto waxaa kuu muuqda sawirka dhabta ah ee gabaygaasi lahaa iyo sida u cabiray dhibaatada qabyaalladu keeni karto iyo inaan qeyrkeen ka haridoonno.

Hadaba duurxulka tusaalahan waxaan usoo qaadan sida dadka maskax maalka ah waligood usaadalin jireen mustaqbalka iyo halka ay noloshu u socoto.

Marka aan eegno suugaanyahannadii reer galbeedka ee labadii qarni ee tagay waxay intooda badan ku mashquulsanaayeen horumarka dhanka cilmiga iyo sida mustaqbalka horumarka aadanuhu u ekaan karo, waxaan idin soo gudbin doonnaa dhowr abwaan oo reergalbeed ah oo saadaaliyay waxyaabo badan oo agteenna caadi ka ah hadda,  laakiin xilligaa ay joogeen in la saadaaliyaa ay ahayd riyo si lagu gaaraa ay adag tahay.

  1. Credit Cards

Xilligan maanta la joogo Credit Cards-ka lacagta lagu qaato waxa uu kaalin muhiim ah kaga jiraa nolosheenna oo sida Mobillada lacagta lagu shubo oo kale ayay nolosha in badan oo dunida ka tirsan ugu xiran tahay, inta badan cidina lacag jeebka kuma qaadato amaba guriga kuma keydsato, waxa la soo saaray oo markii ugu horreysay la adeegsaday 1970 qarnigii hore, laakiin markii koowaad waxaa lagu sheegay riwaayaddii “Looking Backward” oo soo baxay sanadkii 1888 taas oo uu curiyay abwaan Edward Bellamy.

  1. Sameecadaha Dhagaha.

Sameecadaha dhagaha lagu dhageysto ma aaney jirin sanadkii 1953 markii uu qoray Ray Bradbury riwaayaddiisii caanka ahayd ee “Fahrenheit 451”, laakiin fikaradda sameecadaha dhagaha waxay soo shaacbaxday qarnigan 21aad, sidaa darteed waxa uu sii saadaaliyay in sameecado dhagaha waxlooga dhageystaa ay imna doonaan, iyadoo xilligaas wixii aad dooneyso inaad si gaar ah u dhageysataa ay adkeyd.

  1. Wicitaannada Muuqaalka ah.

Wicitaanka dhanka Video-ga ah ee maqal iyo muuqaalka ah fikraddiisu markii ugu horreysay waxay soo if baxday sanadkii 1964-tii, si tartiibtartiib ah ayaa loo hormariyay illaa xilligan qofka aad doonto si maqal iyo muuqaal ah ay kuu sahlan tahay meel kasta oo aad dunida ka joogto, laakiin Hugo Gernsback ayaa markii ugu horreysay fikaraddan kusoo bandhigay riwaayad la magacbaxday “+Ralph 124C 41”, taas oo la faafiyay sanadkii 1911.

  1. Dayaxa In La Tago

Jules Verne waxa uu ka mid ahaa abwaanadii dunida ugu caansanaa, waxa uu si weyn wax uga qoray waxyaabaha cilmiga laga filan karo mustaqbalka, sandkii 1865 ayuu qoray ruwaayad la magac baxday “Farriin Dhulka ka timid oo Dayaxana ku socota”, taas oo uu uga hadlayay in aadanuhu uu mar un gaari doono dayaxa.

Laakiin arrinkii uu Ruwaayadda ku dhigay waxaa la gaaray sanadkii 1969, waa muddo 100 sano ah ka dib ruwaayaddaas, waana xilligii Apollo 11 uu dayaxa ku kordagay.

  1. Kaamirooyinka Qarsoon

Abwaan la yiraahdo George Orwell  ayaa qoray sanadkii 1949-kii ruwaayad caan noqotay oo uu uga hadlayay waddooyinka iyo shacabka oo ah kuwo la ilaalinayo oo kaamarada qarsoon ay isha ku haysto, isla sanadkii 1949 ayaa la soo saaray kaamirooyinka qarsoon ee waddooyinka lagu ilaaliyo.

Sidaa si lamid ah waxaa jira waxyaabo badan oo lagu saadaaliyay  suugaanta oo abwaannadu ay qalinka u qaateen markii dambena sidoodii loo arkay oo riyadoodii rumowday.

Si kastaba, dunida aan joogno ayaa waxay ku tillaabsaneysaa horumar joogto ah iyadoo horumarku tiirarkiisa ay ka mid yihiin malada culumada oo caqligooda ku sawira sida mustaqbalka qurxoon iyo sida  ay wax u doonayaan, fikaraddaas oo ugu dambeyn isku bedesha wax la taaban karo oo la gaaro.


error: Content is protected !!