U bood dhigaalka

Dalka Giriigga oo Laga Cabsanayo Kicid Dhaqaale oo Xilli Dhaw ah

Sheeko:War

Warbixin ay soo saareen baarlamaanka Giriigga ayaa lagu sheegay in waddankaasi uu marayo xaalad adag oo dhaqaale, haddii dowladaha deyn layaasha ah ay wadahadal wakhti dhawo ah  la furi waayaanna ay ku dhici doono kicid dhaqaale oo aan laga fursan doonin.

Xafiiska miisaaniyadda ee baarlamaanka ayaa ka digay “xaalado iman kara oo halis ah” oo mudada dhaw iyo tan dheerba la filan karo, dhibaatooyinka dhaqaale ee dalkaas awgeed.

Warbixinta ayaa lagu tilmaamay in ay dhici karto in Midowga Yurub ay diidaan barnaamijyada samata bixinta dhaqaalaha Giriigga.

Waxa uu xafiisku intaa ku daray,  “Haddii la waayo in la gaaro suuqayada lacagta deyn laga helo, in kacid dhaqaale looga dhawaaqo dalka Giriigga waa arrin aan marna laga badbaadi doonin”.

Waxa uuna carrabka ku adkeeyay haddii kicidaas looga dhawaaqo dalka Giriigga in arrintaasi ka dhigan tahay  khatarro badan la waajahayo oo ay ka mid yihiin waxsoosaarkii oo istaaga, Bankiyada oo kaca, qiimaha lacagta oo hoos u dhacda, iyo sicirbarar  xoog leh oo yimaadda.

Baarlamaanka Giriigga ayaa bishii September meel mariyay shuruuc lagu dhiirigelinayo dhaqaale hagaajin ay codsadeen deyn layaasha dalka Giriigga deymaha ku leh, si dhaqaale badbaadin kale dalkaa loogu sameeyo.

Iyadoo ay jirto in dalka Giriigga loo sameeyay dhaqaale badbaadin Saddex jeer ah oo ay si wadajir ah u sameeyeen Midawga Yurub iyo Sanduuqa lacagta Dunida laga soo bilaabo sanadkii 2010, ayaa hadana deynta dalkaas lagu leeyahay ay gaareysaa 328 bilyan oo doolar sanadkii 2016, waana in u dhiganta 180% waxsoosaarka guud ee dalkaas.

Goobjoog News