U bood dhigaalka

Dhaqaalaha Dalka Suudaan oo Rajo Cusub Ay Soo Gashay

Sheeko:War

20 sano oo cunaqabateyn ah ka dib, dadka reer Suudaan ayaa waxaa soo gashay yididiilo cusub oo ah in dhaqaalaha nolol cusubi soo galayso oo in muddo ah la daalaa dhacayay dhibaatooyin iyo hoos u dhacyo aan horey u soo marin.

Dowladda Suudaan ayaa waxaa u soortogeli weyday mudada ay cunaqabtayntu saarneyd iney dhisto dhaqaale isku dheelli tiran, sababtuna waa Bankiyadeeda oo loo diiday iney si toos ah ula mucaamilaan Bankiyada kale ee dunida, arrinkaas oo keentay in kaydka lacagaha qalaad ee dalka Suudaan uu hoos u dhaco, maalgashigii ajaanibtuna uu ku yimaaddo hoos u dhac ballaaran.

In kasta oo ay jirtay in badeecada qaar loo oglaa dalka Suudaan lagana dabciyay dhanka cunaqabataynta, sida iibsiga qalabka beeraha oo kale, ayaa haddana aaney wax faa’ido ah oo buuran u noqon dhaqaalaha Suudaan.

Dadka dhaaqle yahannada ah ayaa aaminsan in dowladda Suudaan ay u jeesan doonto, hadda dhanka waxsoosaarka Naaftada, Dahabka, qodista macdanta iyo mashaariicda waaweyn muhiimka ah.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warshadaha dalka Suudaan Cabdow Daa’uud ayaa sheegay in go’aanka Mareykanka ee cuno-qabateynta lagu qaaday uu yahay mid firfircooni cusub gelinaya warshadaha Suudaan oo ay horey u saameysay cuno qabateynta Mareykanka.

Wasiirka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Anadol ayaa waxa uu xusay in caqabadaha ugu weyn ee haysataa uu yahay inaan loo ogoleyn in warshaduhu ay qalabkooda si toos ah u soo iibsadaan maadaama laga xannibay iney si toos ah Bankiyada dunida ula mucaamilaan.

Mareykanka ayaa dowladda Suudaan saaray cunaqabtayn sanadkii 1997 iyadoo lagu eedeeyay iney how u tahay argagixisada, cunaqabateynta ayaa waxay saameysay badeecadaha dibadda laga soo iibsado iyo ta loo iib geeyo labadaba iyo dadka maalgeshadaasha ah oo loo diiday iney Suudaan maalgashadaan.

Go’aan uu soo saaray madaxweynaha Mareykanka ee xilligiisu sii dhaamanyo ee Obama ayaa la bilaabay in cunaqabateynta laga khafiifiyo dalka Suudaan, iyadoo cunaqabteynta  dhanka dhaqaalahana gabi ahaanba la qaaday, waa go’aan yididiilo weyn geliyay dhaqaalaha dalka Suudaan.

Goobjoog News