U bood dhigaalka

Mugadisho Oo Ay Ku Soo Badanayaan Goobaha Lagu Iibiyo Hadiyadaha

Sheeko:War

Magaalada Mugadisho oo muddooyin badan ay ka dhacayeen dagaallo sokeeye oo sababay in ay lunto nolasha dadka reer Mugdisho ayaa waayihii dambe waxay ku socotay soo kabsasho iyo in ay iloobaan dagaalladaasi.

Dadka ayaa hadda waxay ka soo kabsanayaan cabsidii ka jirtay magaalada, kuwaas oo bilaabay in noloshooda caadiga ah ay wataan taasna waxay keentay in dadka ay isku soo dhawaadaan si ay u wada qeybsadaan nabadda iyo farxadda .

Mugadisho maalin walba waxaa ka dhaca  munaasabado sida xafladaha arooska, dabaal degyada, xafladaha qalin jabinta iyo kuwo kale.

Xafladahaan ayaa dadka waxay is guddoonsiiyaan hadiyado si ay iskaga farxiyaan iskuna muujinayaan in ay is qiimeynayaan.

Ardeyda qalin jabineysa xilliyadii hore waxba looma geyn jirin, balse waayihii dambe waxaa jiray hadiyado loo geeyo si loola qeybsado farxaddooda.

Hadda ardeyda qalin jabineysa waxaa loo geeyaa hadiyad taasi oo ah ubaxa qalin jabinta taasi oo ka dhigeysa in ardeyga loo muujiyo in lal qeybsado farxadda.

Rigaalo waa goob lagu iibiyo hadiyadaha oo nuuc kasta leh waxaana dhawaan ka hirgaliyay xaruntaan dalka dhalinyaro Soomaaliyeed oo isku tagtay.

Maxamed Yacquub oo ka tirsan dhallinyarada aas-aastay xaruntaan ayaa Goobjoog waxaa uu uga warbixiyay sababta ka dambeysay aas-aaska xaruntaan.

“Markaan idin kaga waramo xarunta Rigaalo waxaa hal abuurkeeda lahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo waxbarasho ka soo laabtay

Maxamed Yacquub oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in u jeedka ugu weyn ee xaruntaan loo aas-aasay ay aheyd in dadka ay isku geeyaan hadiyado si ay iskugu qaadaan ixtiraam taasi oo ka qeyb qaadaneyso farxadda.

“Waxyaabaha ugu waaweyn oo nagu dhaliyay in aan aas-aasno xaruntaan waxaa ka mid ahaa dadka Soomaaliyeed oo muddo ragaadiyeen colaado iyada oo aysan jirin farxad, taas ayaa waxay nagu ka liftay in aan jawiga colaadaha hilmaansiino dadka”.

Samiiro waxay ka mid tahay dadka ku xiran xaruntaan waxayna gadaneysaa hadiyad ay u geeneyso qof ay qaraabo yihiin Goobjoog ayayna la hadashay waxayna tiri.

“Maanta halkaan waxaa u imid in aan hadiyad dhalasho ka iibsado, hadiyadaha waa waxyaabaha ay dadku ay isku jeclaadaan “.

Mugadisho ayaa ayaamihii dambe waxaa ku soo kordhayay goobaha lagu iibiyo hadiyadaha, hadiyadaha ayaa waxay yihiin astaan farxadeed oo ay dadka iskugu soo dhawaadaan.

Goobjoog News