U bood dhigaalka

Xaflad sagootin ah oo Muqdisho loogu sameeyay danjirihii Turkiga ee Soomaaliya (Sawirro)

Sheeko:War

kamal byeMunaasabad lagu sagootinayay safiirkii dalka Turkiga ee Soomaaliya Cemalettin Kani Torun  oo ay ka soo qeyb galeen madax ka kala socota jaamacadaha dalka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdishu.

Daahir Xasan Carab oo ah guddoomiyaha SomaliREN ayaa uga mahad celiyay danjire Kani dadaalkiisii uu ku bixiyay caawinta dadka Soomaaliyeed. Isagoo ku hadlayay magaca SomaliREN oo ay ku mideysan yihiin jaamacado badan oo Soomaaliyeed ayaa yiri “Shaqooyinka ay qabteen (Turkigu) waxay isugu jireen inay jidad dhisaan, inay isbitaalo dhisaan inay waxbarashada ka shaqeeyaan, iyo inay mashruucii ugu horreeyay ee bani’aadamnimo ay fuliyeen abaartii dhacday 2011kii, Xilligii uu danjiruhu xafiiska joogay dowladda Turkigu waxay taageero ad u ballaaran siisay shacabka Soomaaliyeed si guud si gaar ahna bahda waxbarashada”

Dowladda Turkiga ayaa sanihii la soo dhaafay Soomaaliya ka hirgalisay mashaariic horumarineed oo aad u ballaaran, kuwaas oo lagu dhisay Isbitaallo, Goobo Waxbarasho iyo Waddooyin. Sidoo kale Turkigu wuxuu deeq waxbarasho siiyay kummanaan arday oo Soomaaliyeed.

Danjire Cemalettin Kani Torun ayaa u mahad celiyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay soo dhaweeyeen lana shaqeeyeen. Wuxuu intaa ku daray in imaanshihii R/wasaaraha Turkiga ee Muqdisho ay caalamka ku dhiiri galisay in Soomaaliya la tagi karo laguna shaqeyn karo.

“Muhiimadda ugu way nee dowladda Turkigu ay sameyneyso waa inay u dooddo sidii ay dadka Soomaaliyeed ay u midoobi lahaayeen, taasi waa dowrka dowladda Turkiga ay ciyaareyso. Waxaan aadi doonaa  Ankara laakin haddii uu Alle idmo, Qalbigeygu waa idinla jiri doonaa waxaan ahaan doonaa Danjire idiin fadhiya Turkiga” ayuu yiri Mr Cemalettin Kani Torun.

Dadkii hadalka ka jeediyay munaasabada ayaa aad u ammaanay doorkii uu ka qaatay safiirku ugar gaarida shacabka somaaliyeed xili dalku uu aad ugu baahnaa cid caawisa.

Dowladda Turkiga ayaa Olgan Beker u soo magacawday inuu bedelo gabagabadii shirkii midowga qurba joogta soomaalida ee lagu qabtay dalkaas.

kaml2

kaml3

kaml1

Wararka Goobjoog news