U bood dhigaalka

QM oo muwaadin Soomaaliyeed u magacawday ku xigeenka hay'adda UNICEF

Sheeko:War
Cumar Cabdi
Cumar Cabdi

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa u magacaabay Cumar Cabdi oo ah muwaadin Soomaaliyeed ku xigeenka agaasimaha fulinta hayada caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF.

Cumar Cabdi ayaa horay ula soo shaqeeyay hayada UNICEF, isagoo kasoo shaqeeyay bariga dhexe iyo waqooyiga qaarada Africa, wuxuu sidoo kale soo noqday wakiilka hayada UNICEF wadamo badan oo ku yaala caalamka sida dalalka Ghana iyo Liberia.

Cumar Cabdi ayaa shahaadada Degree ka heysta horumarinta dhaqaalaha, wuxuu sidoo kale Master- ka diyaariyay kuliyada horumarinta caalamiga isagoo ka dhigtay Jaamacada Cornell University ee dalka Mareykanka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in shaqadiisa uu si wanaagsan uga soo bixi doono ku xigeenka agaasimaha hayada UNICEF Cumar Cabdi.

Waa muwaadinkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay oo loo magacaabo xilkaan sida uu ku dhawaaqay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Cumar Cabdi ayaa haysta dhlashada dalka Canada.