U bood dhigaalka

Axmed Diiriye: Mar hore ayaa loo baahnaa is raaca Galgaduud iyo Mudug

Sheeko:War
Axmed-diiriye
Axmed Diiriye

Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ka digay is hortaag in lagu sameeyo Maamulka la qorsheynayo in loo dhiso gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Afhayeenka Golaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo wareysi siinayay Goobjoog FM wuxuu sheegay in israaca goballada Galgaduud iyo Mudug ay tahay arrin mar hore loo baahnaa.

Wuxuu tilmaamay Nabadoon Axmed Diiriye in maamulka Puntland wax shaqo uusan ku lahayn goballada dhexe oo ay degganyihiin dadkii iska lahaa.

Shirar dib u heshiisiin oo la isugu keenayo maamullada yar yar ee ka dhisan goballadaasi ayuu ku baaqay in la qabto.

Hadalka Axmed Diiriye ayaa ku soo aadaya xilli maamulka Ximan & Xeeb iyo Ahlu sunnah waljamaaca oo ka arrimiya gobolka Galgaduud ay tallaabo qaldan ku tilmaameen maamulka dowladdu ku dhawaaqday.

Maamulka Galmudug ee ka arrimiya koofurta Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa cod dheer ku taageeray maamul loo sameeyo gobollada Galgaduud iyo Mudug halka Puntland ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ku xad gudubtay Dastuurka dalka u yaalla.