U bood dhigaalka

Wasaaradda Qorsheynta: Dowladdu kaligeed abaaraha waxba kama qaban karto.

Sheeko:War

abaartaWasiirka ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta ee Xukumadda Soomaaliya Cabdillahi Shiikh Cali galoocow oo xubin ka ah Gudiga Abaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan magacawday ayaa ka hadlay Kormeer ay ku tageen degmooyinka  Xudur  iyo Dooloow oo ka mid ah deegaannada ay abaaruhu saameeyeen.

Wasiirka ku-xigenka ayaa sheegay in  degmooyinkii ay booqdeen  ay ku soo arkeen Xaalada Adag oo dhanka noloshaa islamarkaana haba ugu darnaato baahida ay dadku u qabaan biyo iyo cunno. Isagoo ka dhawaajiyey iney abaaruhu saameyn weyn ku yeesheen deegannadii ay soo booqdeen, dowladduna kaligeed ay waxba ka qaban Karin.

Galoocow ayaa sheegay in codsi ay u jeediyeen caalamka si gar-gaar loogu fidiyo dadka tabaaleysan, wuxuuna u mahadceliyey dowladda Imaaraadka Carabta oo uu xusay iney tahay dowladda kalii ah ee baaqa xukuumadda ka jawaabtay.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta ee Xukumadda Soomaaliya Cabdillahi Shiikh Cali ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed ineey gacan ka geystaan sidii loogu guntan lahaa wax taridda dadka abaaruhu ku habsadeen.

Wasiirka oo wareysi siiyey Goobjoog FM ayaa soo hadal qaaday culeys-yada dowladda ka heysto gacan iney lagaarto deegaannada qaar sida Ceel-buur iyo Buulo-burte oo uu sheegay ineey go’doonsan yihiin, hakaas oo bilaabatay iney dadku u dhintaan baahi iyo haraad.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa hore qaylodhaan ugu dirtay beesha caalamka in ay gargaar la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa bishii May ku dhawaaqday in dalka ay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan daran, iyagoo guddi gaar ah u saartay wax ka qabashada abaaraha.

Sannadii 2011-kii, waxaa Soomaliya iyo guud ahaan bariga Afrika ka dhacday abaaro taas oo wax yeeleysay nolosha dadka ka badan saqaal milyan oo ruux.

 

Dhageyso wareysiga Wasiir ku-xigeenka oo dhameys tiran