Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Xubno La Socday Oo Gaaray Cadaado (Sawirro)
Magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaa maanta gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.
Soo dhaweyn ka dib waxaa saxaafadda la hadlay wasiir Odowaa oo faah faahiyay socdaalka ay ku tageen magaalada Cadaado,waxaana uu sheegay in hadda ay halkaasi u tageen sidii ay ula socon lahaayeen howsha shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Galgaduud, waxaana uu intaa ku daray in hadda Seddax qodob ay fulin doonaan kuwaasi oo kala ah.
- in loo gudbo Wejiga Labaad ee shirka.
- Cid walba oo tabasho qabta in ay dhageystaan oo xaliyaan.
- In ay la socdaa Hor u socodka guddiga Farsamada, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Joogta Cadaado.
Wasiirka ayaa ku celceliyay in cid walba oo tabasha qabto lala fariisan doono islamarkaana wax walba la xalinayo, balse aan la aqbali doonin carqalad lagu sameeyo shirkaasi.
“Waxaan rabaa in aan ku daro intaasi fariin ah in aan qofna laga yeelayn in isaga danahiisa goonida ah ka fushado, laakiin qofkii dacwo qaba in la dhageysto diyaar baan u nahay” ayuu yiri Wasiirka.
Degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaa ka soconaya shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud, waxaana dhawaan la filayaa in loo gudbo wejiga Labaad ee shirkaasi.
Halkaan Hoose ka daawo Sawirada Wafdiga
Goobjoog News