U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Amniga Oo Ka Socda Degmada Doolow

Sheeko:Dalka

Degmada Doolow ee gobalka Gedo waxaa ka soconaya kulan ballaaran oo ay leeyihiin saraakiil Soomaal ah iyo kuwo Itoobiyaan ah, kaasi oo looga hadlayo arimo badan oo xasaasi ah.

Siyaasi Maxamuud Sayid Aadan oo kulamadaan ka qeybgalaya ayaa u sheegay Goobjoog News in arimaha laga hadlayo ay ugu horeyso ka shaqeynta amniga.

Waxa uu tilmaamay in ay si hordhac ah iskula fahmeen saraakiisha Itoobiya in amniga laga wada shaqeeyo, loona istaago sidii looga hortagi lahaa cid walba oo amni xumo ka shaqeyneysa.

“Anaga siyaasad gaar ah kama hadal, waxaan isla fahamnay saraakiisha Itoobiya sidii loo xaqiijin lahaa amaanka, waana isla fahamnay” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Kulamadaan ayaa maanta galaya maalintoodii Sedaxaad, waxaana la filayaa in gaba gabadooda laga soo saaro qodobo ay saraakiishaasi isku af garteen.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada