U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Sheegay In Isbitaalka Baladweyne Uu Halis Ugu Jirno Inuu Xirmo

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegay in Isbitaalka magaalada Baladweyne uu halis ugu jiro in maalmaha soo aadan uu xirmo, dawo la’aan jirta awgeed.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulkaasi Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo kormeer ku tagay Isbitaalkaasi ayaa sheegay in xaalad adag ay halkaasi ka jirto, islamarkaana dawo la’aanta halkaasi ka jirta ay saameyn ku yeelatay shacab aad u badan.

“Dadka marka ay isbitaalka tagaan oo dawo loo baahdo malahan, dadka xanuunsan meesha wey isaga dhimanayaan, hadii sidaan ay wax kusii socdaan waxaa isbitaalka Baladweyne uu halis ugu jiraa in gabi ahaanba uu xirmo” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in eedda dawo la’aanta ah ee ka jirta Isbitaalka ay qeyb ku leeyihiin maamulkooda, sidoo kalena ay la waadaagaan eeddaasi Xildhibaanada baarlamaanka ee gobalka Hiiraan kasoo jeeda, wasiirada, ganacsatada, qurba joogta, iyo shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgalada Isbitaalka Baladweyne.

“Anaga ka maamul ahaan kaalin baan ku leenahay eedda, dhammaan inta kale ee aan soo sheegay, hadii Isbitaalka aan degdeg Dawo loogu helin waxaa hubaal ah in maalmaha soo socda uu xirmi doono” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada maamulka gobalka Hiiraan.

Isbitaalka Magaalada Baladweyne waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka taagneyd dawo la’aan baahsan, iyadoo bukaanada jiifa Isbitaalka loo la’yahay dawo.

Goobjoog News