Baardheere:- 8-Sano Kadib Degmada Baardheere Oo Lagu Qabanayo Munaasabado Lagu Weyneynayo Dhalashada Nabigeena Muxummad (NNKH)

Degmada Baardheere ee gobalka Gedo waxaa maanta laga dareemayaa sanado badan kadib u diyaar garowga weyneynta dhalashada Nabigeena Muxummad NNKH.
Qaban-qaabada xuskani ayaa ka soconaysa magaalada Baardheere, waxaana la soo sheegayaa in ammaanka si weyn loo adkeeyay.
Maalmihii dambe maamulka degmada iyo culimada ayaa waday wacyi-gelin ku saabsan bulshada oo ay ka wacyi galinayeen in la qabto xuska Xabiibkeenna Muxummad NNKH.
Muddo 8 Sano ah kadib markii meesha laga saaray xukunkii Xarakadda Al-Shabaab ee Magaaladda Baardheere , ayaa maanta fagaaroyinka waawayn ee Magaaladdasi lagu wadaa in xuskaasi uu ka dhaco iyadoo boqolaal dad ahi ay ka soo qaybgalayaan .
Wariye ka tirsan Goobjoog FM, kuna sugan degmada Baardheere ayaa soo sheegaya in Ammanka degmadaasi ay aad u adkeeyeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Jubbaland iyo AMISOM.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News