U bood dhigaalka

Ku Dhawaad 10 Qof Oo Isbitaalka Madiina Ugu Geeriyootay Dhaawacyadii Kasoo Gaaray Weerarkii SYL

Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyootay 8 ruux oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii xalay ee hotelka SYL magaalada Muqdisho.

Wariyaheena Xasan Kaafi oo saaka ku jarmaaday Isbitaalka Madiina ayaa soo sheegay in hadda Isbitaalka ay jiifaan dhaawacyo badan oo kusoo waxyeeloobay weerarkii SYL.

Waxaa jira dad qaba dhaawacyo xooggan, waxaana dhammaan dadkaan ay yihiin shacab ka dhawaa halka weerarka uu ka dhacay.

Qaraxii ugu horeeyay ee dhacay ayaa ahaa mid aad u xooggan, waxaana loo adeegsaday gaari weyn oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa sida ay sheegeen mas’uuliyiin u hadashay dowladda Federaalka ah.

Weerarkii xalay lagu qaaday Hotelka SYL oo ku dhaw beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Al-shabaab.

Goobjoog News