U bood dhigaalka

Heritage: Baarlamaanku Ha Saxo Go’aammada Madasha Hoggaanka Qaranka

Abriil 28, 2016

Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda ayaa Qoraal kasoo saaray talo soo jeedin ku socta baarlamaanka federaalka oo lagu boorinayo inuu dib u saxo go’aannadii Madasha Hoggaanka qaran ee doorashada 2016.

Machadku waxa uu xusay in habraaca doorasho ee ay soo saareen madasha hoggaanka qaran ee muujineysa qorshaha 2016-ka ee soo xulista doorashda.

“ma ah mid horrumarinaysa hirgelinta hannaan dimoqraadi ah waliba qaar ka mid ah qodobada qorshaha lasoo jeediyey waxaa ay aad u cabburinayaan rajada laga qabay in la helo hannaan xulid ama doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Machadka Heritage.

Riix halkaa si aad u akhrisato talo soo jeedinta oo dhameystiran.

Goobjoog News