Doorashada aqalka sare ayaa maanta ka dhacdey magaalada Muqdishu, dadka la doortey waxaa ka mid ah Cabdi Xaashi oo horey u ahaa Xildhibaan aqalka hoose ah iyo weriye Muna Cumar Xasan.
Doorashada gobollada waqooyi waxaa wax doortey 23 odey dhaqameed iyo 23 kale oo mid weliba uu odey keeno, si ay u doortaan xubnaha aqalka sare u matali lahaa Somaliland.
Hadaba, Xildhibaannada Guuleystay waa sidan:
Kursiga 1aad: Cabdi Xaashi Cabbdulahi 29 cod, waxaa uu ka guuleystay Maxamed Jirde Xuseen 14, 2 hallbey
Kursiga 2aad: Maxyudin Sheekh Cali Jaamac, waxaa u tanaasuley Cabdi Yusuf Xasan Maahir
Kursiga 3aad: Mustaf Maxamed Qoodax waxaa u tanaasuley Maxamed Maxamud Cabdi
Kursiga 4aad: Muna Cumar Xasan oo heshay 32 cod ayaa ka guuleysatay Deeqo Maxamed Salaax
Kursiga 5aad: Cabdikarim Maxamed Xasan 40 cod, Jamc Axmed Roble 3, Ibrahim Aden Maxaned oo maqnaa 1
Kursiga 6aad: Cabdirisaq Axmed oo ku guuleystay waxaa uu helay 39 cod.
5 Kursi ayaa ka harey doorashada aqalka sare ee gobollada waqooyi, kuraasta hartey waxaa la sheegey in la dhameystiri doono marka la helo ergadii codeyn laheyd.
Goobjoog News