U bood dhigaalka

Shaqada Iyo Ajendayaasha Kalfadhiga 1aad Ee Labada Aqal Ee Baarlamaanka Federaalka Ah Oo Dhameystiran

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka federaalka ah Labadiisa aqal ee golaha shacabka iyo golaha aqalka Sare, waxaa ay soo gabagabeeyeen wejigii hore ee kalfadhigooda 1aad, oo hadda aqal waliba waxaa uu leeyahay guddoon, waxaa kaloo ay si wadajir ah u doorteen madaxweynaha federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Hadaba, waxaan halkan ku soo gudbin doonnaa, shaqada sida gaar ah looga sugayo mid walba iyo waxyaabaha laga yaabo in ay qabtaan inta aanu kalfadhigan dhammaan.

Golaha Shacabka:

Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah, waxaa laga sugayaa maalmaha soo socda Labo shaqo oo muhiim ah, shaqo cusub oo la doonayo in ay qabtaan iyo shaqo qabyo ah oo looga fadhiyo in ay dhameystiraan.

Shaqada Cusub Ee Golaha Shacabka:

  1. Dib u habeynta xeer-hoosaadka golaha shacabka, si uu ula jaan-qaado baarlamaanka 10-naad.
  2. Sameynta Istaraatiijiyaddii uu golaha shacabka ku howlgeli lahaa muddada soo socota.
  3. Dhismaha guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka, oo hadda Xildhibaan walba la siiyay fursad uu ku soo doorto sadex(3) guddi uu xiisaynayo in uu ka shaqeeyo, si midkood loogu daro.
  4. Hortabinta guddoonka iyo guddiyadaas in ay la shaqeeyaan ciddii ay shaqadooda khuseysay.
  5. Niidaaminta iyo dhameystirka heykalka golaha shacabka.
  6. Ansixinta Miisaaniyadda
  7. Ansixinta ra’isul wasaaraha iyo xukuumadda federaalka ah ee dhawaan la filayo

Shaqo Dhameystir u Baahan:

  1. Dib u eegista dastuurka KMG ah
  2. Dhismaha xubnaha guddiga adeegga garsoorka
  3. Sameynta xubnaha maxkamadda dastuuriga ah
  4. Dhismaha xubnaha guddiga madaxa bannaan ee xuquuqul Insaanka
  5. Dhismaha guddiga la dagaalanka Musuqa
  6. Dhismaha guddiga adeegga baarlamaanka
  7. Dhismaha hey’adda ama guddiga isgaarsiinta
  8. Sharciga Kheyraadka Biyaha
  9. Sharciga Xuquuqda siyaasiyiinta
  10. Sharciga Maareynta Kaalmaha Shidaalka
  11. Sharciga Miinada iyo waxyaabaha qarxa
  12. Sharciga la fahmi waayey oo loogu yeero la dagaalanka argigixisada

Waxaa xusid mudan in golaha shacabka laga sugayo sidoo kale in ay ansixiyaan xisaab-xirka miisaaniyaddii 2015-ka, waxaa kaloo muhiim ah in ay umadda u sheegaan halkee laga keenay lacagta ay dowladda ku shaqeyso xilligan la joogo mar haddii miisaaniyaddii hore dhammaatay December 31, 2016-kii?

Aqalka Sare

Aqalka Sare, waa aqal cusub oo ku soo biiray baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, illaa iyo hadda waxaa uu si gaar ah u yeehay afar(4) kulan, sida kulankii lagu furay aqalka, kulan ay guddi doorasho ku dhisteen, waxaa xigay khudbado jeedinta iyo kulankii ay guddoonka ku doorteen.

Aqalkan lagama arko wax dar-dar ah, dad badan ayaa ku doodaya in aqalkan aan loo baahneen, oo waqti iyo hanti lumis uu yahay, waxaa laga rabaa in dadkaasi shakisan ay ugu jawaabaan shaqo iyo wax-qabad ka duwan midda uu hayo  golaha shacbaka, taasina illaa iyo hadda ma muuqato.

Inta aanu kalfadhigan dhamaan, waa aqalka sare laga sugayaa dhowr arrin:

  1. Sameynta Xeer-hoosaadka aqalka sare
  2. Shaqo qoris iyo in aqalka uu shaqaale yeesho.
  3. In ay ka hadlaan Ammaanka aqalka sare ciidanka sugaya, Ma Soomaali mise Ajnabi.
  4. Intaasi kadib, waxaa sugaya dhismaha guddiyada joogtada ah ee aqalka sare, oo dood ka taagan tahay tiradooda iyo shaqada ay tahay in ay qabtaan?
  5. Haddii ay ka gaaraan, waxaa laga doonayaa in kalfadhigan inta aanu dhamaan ay ka hadlaan dhowr arin sida: arrimaha dastuurka, miisaaniyadda

Dhinaca kale, Aqalka sare waxaa ay cod ku yeelan doonaan: Ka-qayb-qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan:

  1. Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka.
  1. Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah.
  1. Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka.
  1. Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta.
  1. Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.