Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ee gobolka Waqooyi Galbeed ayaa waxay sheegayana in halkaasi maanta dibadbax ballaaran ay ka dhigeen Boqolaal kamid ah shaqaalaha dekadda magaaladaasi.
Shaqalahan oo u badnaa kuwa farsamada ayaa ka dibadbaxayey sida ay sheegeen mushaar hoose oo loo sheegay iney ku shaqeyn doonaan, walibana ay u sheegtay shirkadda la wareegtay dekadda Berbera.
Dibadbaxayaasha oo taageero ka helay shacab badan oo ku dhaqan magaaladaasi ayaa la sheegay iney markii dambe dibadbaxa u bedaleen mid lagu gubo taayerada gaadiidka.
Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa markii dambe si ay dibadbaxayaasha u kala eryaan waxay u adeegsadeen rasaasta nool nool, lamana soo sheegin khasaare halkaasi ka dhacay.
Maamulka Siilaanyo ayaa horey u sheegay in haddii shirkaddan laga leeyahay Imaaraadka ay la wareegto dekadda Berbera aaney wax shaqo ka joojin ama dhimis mushaar lagu sameyn doonin shaqaalaha ka howlgala dekaddaasi.
Goobjoog News