U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Farriin u Diray Xildhibaannada Dhaliilsan Wasiirada Cusub

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa ugu baaqay xildhibaannada golaha shacabka ee dhaliilsan golaha wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ineysan degdegin oo ay eegaan waxqabadka xukuumadda.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe oo taageeray wasiirada cusub in qalad uu dhici karo, balse la xallin karo wax walbo iyadoo aan la buuqin.

Dhanka kale Axmed Madoobe oo ka hadlay amniga magaalada Muqdisho ayaa kula taliyey qeybaha kala duwan ee bulshada iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago fal walbo oo amni darro ah.

“Xukuumadda uu Ra’iisul wasaaraha soo dhisay waan teegeeraynaa mar haddii aan wilaayada u dhiibannay wixii ay soo dhiseen waa inaan u deyno, wixii sixitaan ahna buuq iyadoo aan la gelin baa la sixi karaa, arrintaasina waxay quseysaa xildhibaannada oo dadweynaha ma quseyso, midda kale Soomaaliya maanta weli culeys baa saaran mid dhaqaale iyo mid amni xukumo weli waa ay saaran yihiin, haddii aaney dadka Soomaaliyeed sida saxda ah u xisaabtamin weli waxbo ma qabsoomayaan, Soomaalida waxaa iney dib u xisaabtamaan, ha noqoto amni xumo, in badan dadka iyagaa qeyb ka ah amni xumida, Haddii aaney ganacsatada, shacabka iyo dadka kaleba aaney la shaqeyn dowladda amniga ma hagaagayo”  ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay iney dhaliilsan yihiin hanaanka uu Ra’iisul wasaare Kheyre usoo dhisay golihiisa wasiirada.

Goobjoog News