Sawirro: Madaxweyne Xaaf Oo La Kulmay Madax Ka Socotay WFP Iyo UNHCR
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta wuxuu magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kula kulmay wafdi ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP iyo midda qaxootiga ee UNHCR.
Kulanka oo saacado qaatey ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan sidii loogu gurman lahaa dadka abaartu saameysay iyo arrimo kale.
Cabdirashiid Xaashi, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug oo kulankaasi kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in hay’adahan u sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qaban doonaan xaaladaha Bini’aadannimo ee hadda jirta.
“Kulanka maanta muhiim ayuu ahaa, madaxweynaha iyo xubnaha ka socday WFP iyo UNHCR waxay ka wada hadleen sidii loo caawin lahaa dadka dhibban, sidoo kalena shaqo abuur loo sameeyo dadkaasi, sidoo kale waxaa laga wada hadlay iney sii Labo laabaan shaqooyinka ay hayaan, waana isla garannay” ayuu yiri guddoomiyaha.
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxa ku sugan qoysas badan oo barakacayaal ah, kuwaasi oo u baahan gurmad dhan walbo leh, walibana degdeg ah.
Goobjoog News