U bood dhigaalka

Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Heshiisyay In Laga Xisaabtamo Wixii Ka Dhex-dhacay, Lana Dhiso Guddi Dib-u-heshiisiin

Sheeko:Dalka

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa jimcihii kala saxiixday heshiis ka kooban 10 qodob, waxaana la sheegaya in la qaban-doono shir dib-u-heshiisiin, waxaa kale oo lagu baaqay in hirgelinta dhammaan heshiisyada horay loo gaaray.

Qodobada Heshiiska waa:

  • In laga hortago wixii keeni kara colaad iyo dagaal, lana joojiyo wixii dhaq dhaqaaq ciidan ah,lana hubiyo ciidamada labada dhan ay kala joogaan xeryahooda, si waafaqsan heshiisyadii xabad joojinta ee horey loo gaaray, lana kormeero goobaha colaaddu ka jirto.
  • Waxaa lugu baaqay, laguna heshiiyay in lays la qaato nabad, lana gaarsiiyo guud ahaan dadka reer Puntland iyo Galmudug.
  • – Waxaa laysku afgartay in muddo 90 cisho gudahood ah lugu qabto shirweyne dib u heshiisiineed oo lugu xalinayo dhamaan khilaafaadka gobolka Mudug, labada maamulna ay dhisaan guddi farsamo.
  • – In labada maamul ay si dhameystiran uhirgaliyaan heshiiskii la saxiixay 22 June 2017 iyo kuwii ka horreeyayba.
  • In la furo waddooyinka xiran, lana kormeero hirgalinta heshiisyadii xabad joojinta.
  • In la sii wado shirarka dib u heshiisiinta, lagana xisaabtamo wixii dhacdooyin laga soo billaabo dhacdadii Balibusle, maamuladuna ay ka taageeraan fududeynta xal u helista dhacdooyinkaas.
  • In culuma’udiinka, ganacsatada iyo jaaliyadaha gobolku ay si firfircoon uga qayb qaataan ka shaqeynta sidii lagu gaari lahaa nabad baahsan oo ka dhalata gobolka Mudug.
  • Waxaa laysku raacay, lana dhisay guddi nabadda ka shaqeeya oo ka kooban 36 xubnood labada dhanba.
  • In Guddiga nabadda labada dhan ay ka soo shaqeeyaan xeer lugu xakameeynayo dhacdooyinka fal dambiyeedyada.
  • . In fidno wade loo aqoonsado, meelna looga soo wada jeesto ciddii ka hortimaadda hirgalinta nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka walaalaha ah ee Galmudug iyo Puntland.

Goobjoog News