U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Saakay Laga Soo Sheegayo Deegaanno Ka Tirsan Mudug

Oktoobar 25, 2017

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeeysa maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Deegaanka Qob-gaashaan oo ku dhow deegaanka Godod iyo deegaanno kale oo gobolka Mudug ah ayaa laga soo sheegayaa in xiisadda ugu daran ay ka jirto.

Dadka ku dhaqan halkaasi qaarkood ayaa u sheegay Goobjoog News, in hub uruursi ay kala wadaan Labada dhinac.

Maalin kahor dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyaadkaan oo ka dhacay deegaanka Qob-gaashaan ayaa sababay geerida dad ku dhow 5, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Marka laga reebo baaqa ay mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland u marinayaan hawada Labada dhinac ee is haya, ma jirto dedaal muqdo oo lagu kala dhexgalayo dhinacyadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News