Diyaarado Duqeeyay Saldhig Al-shabaab Ku Lahaayeen Sh/dhexe
Sheeko:Dalka
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo habeenkii xalay ahaa ka dhacday deegaan 7-km qiyaastii u jira degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.
Diyaaradahan ayaa la sheegay iney bartilmaameedsadeen saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen halkaasi.
Lama oga khasaaraha nafeed ee halkaasi ka dhashay, balse deegaanka la duqeeyay waxaa maalmihii ugu dambeeyay dhowr jeer ku dagaallamay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.
Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo ballaaran ka wada deegaannada gobolka Shabellaha dhexe, kadib ammarkii madaxweynaha ee ahaa in la qaado dagaallo ka dhan ah Al-shabaab.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News